Home » Ciyaaraha » WAR CUSUB: Tababaraha kooxda Southampton Ronald Koeman oo heshiis la gaaray kooxda Everton’

WAR CUSUB: Tababaraha kooxda Southampton Ronald Koeman oo heshiis la gaaray kooxda Everton’
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 7:47 AM

Tababaraha kooxda Southampton Ronald Koeman ayaa heshiis la gaaray kooxda Everton -iyadoo loo magacaabi doono tababaraha Toffees saacadaha soo socda,

Tababaraha reer Holland, oo 53 jir ah, ayaa la filayaa in uu noqdo ninka la wareega shaqada kooxda ka dhisan gobolka Merseyside oo laga ceyriyay Roberto Martinez bishii May.

Haddaba, Saints nin hogaamiya ee Koeman ayaa lagu wadaa inuu qalinka ku duugo heshiis uu ugu biirayo kooxdaEverton.

Ronaldo Koeman will take over from Roberto Martinez who was sacked in May this year

Sida laga soo xigtay Mail on Sunday,ninka reer Holland ayaa ku jahwareersan xaalada miisaaniyadda kala iibsiga kooxdiisa.

Everton ayaa u baahan doonta Koeman in ay kaga soo jiitaan dhaqaalo badan kooxda Southampton – iyadoo in kabadan £ 3.5million uu mushaar ahaan u helo doono.