Home » Ciyaaraha » WAR CUSUB: ” TV ga Ayaan Spain Ka Daawan Jiray, Maanta Aniga Ayaa La I Daawanayaa”

WAR CUSUB: ” TV ga Ayaan Spain Ka Daawan Jiray, Maanta Aniga Ayaa La I Daawanayaa”
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:08 PM

Ciyaariyahanka kooxda Juventus Alvaro Morata ayaa sheegay in uu horay ugu  daawan jiray TV marka ay ciyaarayaan xulkiisa Spain, balse hada uu ku faraxsan yahay in uu kamid noqdo halboowlayaasha xulka La Roja ee ka qeyb galaya Ciyaaraha Euro ee ka socda dalka Faransiiska.

Morata ayaa labo gool kulahaa ciyaartii ay 3-0 kaga adkaadeen wadanka Turkey, isagoona ku hogaamiyay xulka heysta labada jeer Tartankan in ay Figta sare ka istaagaan Group D oo ay ku wehliyaan wadamo ay kamid yihiin Croatia iyo Turkey.

“Labadeeda gool ee ciyaartaas,  aad baan ugu faraxsanahay, ka hor kulamadan, waxaan ka daawan jiray TV ga, waxay ii ahayd Riyo, hadii wax waliba ay wanaag ku socdaan, dadka waxay leeyihiin waad wanaagsan tahay, waxaan ciyaarnay kulan adag oo aan la ciyaarnay kooxda Adag, waan qosolnay, waan damaashaadnay waan ciyaarnay,” ayuu Telecinco u sheegay xiddigan hada suuqa saaran.

Morata ayaa 11 kulan kasoo muuqday xulkiisa , isagoona u dhaliyay shan gool, waxaana uu kamid yahay hogaamiyayaasha xulka La Roja ee dhanka weerarka kadib markii ay xulkaas kasoo tageen ciyaartooy uu kamid yahay Diego Costa iyo Fernando Torres kuwaas oo bandhig wanaagsan sameeyay xilli ciyaareedki dhawaan dhamaday, sida awgeed Spain ayaa ku tiirsanaan doonta Morata iyo Nolito inta lagu guda jiro Tartanka Euro oo ay hada meel fiican marayaan, kadib markii ay labo kulan oo ay ciyaareen ay keensadeen 6 dhibic.