Home » Ciyaaraha » Wararka suuqa kala iibsiga: Barcelona oo kasoo xoogtay Manchester United xiddig loo arko bedelka Andres Iniesta

Wararka suuqa kala iibsiga: Barcelona oo kasoo xoogtay Manchester United xiddig loo arko bedelka Andres Iniesta
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 10:30 AM

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sporting Lisbon Joao Mario ayaa loo arkaa bedelka dabiiciga ah ee Andres Iniesta oo katirsan kooxda Barcelona, sida uu warinayo Paulo Futre.

23-sano jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay tiro ka mid ah kooxaha Yurub, ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay horyaalka Portuguese xilli ciyaareedkan.

Goal ayaa ogaatay in Jose Mourinho uu isha ku hayo Joao Mario islamarkaana uu isku diyaarinayo inuu kooxda Manchester United inuukusoo daro

Joao Mario ayaa Aabaha dhalay oo ah Wakiilka dhawaan waxa uu walaac ka muujiyay mushaharka badan ee loosoo bandhigayo xiddigan tasoo ku sheegay in ay ku qasbi karto inuu dhaqaaqo.

Joao Mario waa ciyaaryahanka kaliya ee awood ugu danbeyn u leh inuu bedelo xiddiga Barcelona iyo halyeeyga Spain Iniesta, waxaana lagu booriyay Blaugrana inay la soo wareegto xiddiga Sporting.

Joao Mario is a natural replacement for Iniesta - Futre