Home » Ciyaaraha » Wararka suuqa kala iibsiga Ibrahimovic, Cavani, Pogba, Kante,iyo Maanta oo axad ah

Wararka suuqa kala iibsiga Ibrahimovic, Cavani, Pogba, Kante,iyo Maanta oo axad ah
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 6:24 AM

Waxaan idiin soo gudbineynaa Aqristeyaal Wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga Cayaartoyda Maanta oo Axad Maxaa ka soo Cusboonaaday?

Man United: Wararka laga qoray Heshiiska Weeraryaahnka dalka Sweden ee ay dooneyso Kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovicayaa sheegaya in uu Markale dib u dhac ku imaan doono Saxiixa Xidigaan ka dib markii la Cadeeyey in uu dalkiisa u dheeli doono Cayaaraha Olombikda aduunka Xiligaa ka dib ayuu dhici doonaa Heshiiska labada dhinac..(Sunday Mirror)

Zlatan-main

Arsenal: Kooxda Kubada Cagta Arsenal ayaa Xoogeeda oo dhan isugu geyn doonta Helitaanka Weeraryahanka PSG Edinson Cavani Kadib markii sida lasheegay uu fashilmay lasoo Wareegitaankii Arsenal ee Jamie Vardy,. (Sunday Express)

Real Madrid:Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay 120m euros oo lagu daray Toni Kroos kula heshiisay Juventus iyada oo ka soo qaadan doonta Xidiga dalka France ee  Paul Pogba. (Marca)

N’Golo Kante,oo 25 jir ah ayaa noqday Xidiga loogu doon doonista badanyahay Xiligaan waxaana doonaya kooxo badan oo ka dheela  Premier League iyo banaankaba Man United ayaase u soo bandhigtay mushaar dhan £100,000-taas oo Macquul ka dhigeysa in uu u wareego kooxdaas.(Sunday Telegraph)

Kante-United

Arsenal: ayaa £15m ku baadi goobeysa Cayaaryahanka kooxda Napoli iyo Xulka qaranka Albania  Elseid Hysaj,(Daily Star Sunday)

Juventus: Naadiga difaacanaya Horyaalka dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa lasheegayaa in uu Goordhow Tijaabo Caafimaad u mari doono Xidiga kooxda Roma ee  Miralem Pjanic, oo 26,jir ah kaas oo ay ka dul qaaday kooxo oo Premier League,ka dheela oo aad u doon doonayey. (Guardian Online)