Home » Ciyaaraha » WARARKA XANTA AH EE SAAKAY SUUQA KALA IIBSIGA: Manchester, Arsenal iyo Real , Wararki ugu dambeeyay

WARARKA XANTA AH EE SAAKAY SUUQA KALA IIBSIGA: Manchester, Arsenal iyo Real , Wararki ugu dambeeyay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 10:47 AM

LEICESTER CITY:

Jamie Vardy ayaa qarka u saaran in laga saaro line-upka xulka England kulankooda furitaanka Euro 2016 ee ay Sabtida ku wajahayaan xulka Russia, iyadoo tababare Roy Hodgson uu doorbidayo inuu ciyaartaan kusoo bilaabo Adam Lallana iyo Raheem Sterling. (Daily Mail, The Times, Daily Telegraph, The Sun & Daily Mirror).

Dhanka kale, Vardy ayey boqolkiiba 80 u badan tahay inuu iska diido fursad uu kula biiri karo kooxda Arsenal isagoo ka tegaya kooxda heysata horyaalka England Premier League ee Leicester City. (The Independent).

WATFORD:

Kabtanka kooxda Watford Troy Deeney ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League ee Leicester City, balse kooxdiisa Hornets ayaa iska diiday dalab 20 milyan oo ginni ah oo ay Leicester kasoo gudbisay 27 sanno jirkaan weerarka ka ciyaara. (Daily Mirror).

REAL MADRID:

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay 24 sanno jirka qadka dhexe ee reer Spain Isco u dirto Juventus iyadoo u isticmaaleysa qeyb ka mid ah heshiiska ay kooxda heysata horyaalka Serie A ugala soo wareegeysa xididga qadka dhexe ee xulka France Paul Pogba, oo 23 sanno jir ah. (Daily Mail).

MANCHESTER UNITED:

Laakiin Manchester United ayaa sidoo kale Juventus usoo bandhigi doonta qorshe ay kula wareegeyso daafaca dambeedka midig ee dalka Italy Matteo Darmian, oo 26 sanno jir ah, si ay kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A dib uga soo iibsato Pogba xagaagaan. (The Sun).

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada ah inuu mustaqbalka tababare u noqdo xulka qaranka dalkiisa France. (Bein Sports & Daily Mirror).

Manchester United ayaa xiriir la sameysay kooxda Borussia Dortmund iyadoo ka dooneysa 27 sanno jirka qadka dhexe Henrikh Mkhitaryan, laakiin xiddiga reer Armenia ee lagu qiimeeyo 25ka milyan oo ginni ayaa waxaa sidoo kale xiiso u qabta kooxda Arsenal. (Daily Mail).

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu 29 sanno jirka heerka caalami ee dalka Portugal Luis Nani dib ugu soo celiyo Man United iyadoo garabka kooxda Fenerbahce qandaraaskiisa lagu burburin karo 6.3 milyan oo ginni. (DHA & Talksport).

REAL MADRID:

Real Madrid ayaa soo afjartay xiisaheedii ay u qabtay saxiixa goolhayaha kooxda Manchester United iyo xulka Spain David de Gea, oo 25 sanno jir ah. (Marca).

WEST BROMWICH:

West Brom ayaa dooneysa inay sii ceshato 22 sanno jirka weerarka uga ciyaara Saido Berahino, inkastoo ay xiiso u qabaan kooxaha Tottenham iyo Stoke City. (Daily Mirror).

Loading…

LIVERPOOL:

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu gooldhaliye Mario Balotelli ka qeyb qaato ciyaaraha iskululeyska ee kooxdiisa ka dib markii ay AC Milan go’aansatay in aysan heshiis joogto ah ka saxiixan 25 sanno jirkaan. (La Gazzetta dello Sport).

INTER MILAN:

Inter Milan ayaa dalab ka gudbin doonta 33 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ka dib markii ay kooxda iibsadaan maalgashadeyaal u dhashay dalka China. (Manchester Evening News).

SWANSEA CITY:

Guddoomiyaha kooxda Swansea City Huw Jenkins ayaa sheegay inay kooxdiisu xiiso u qabto inay xagaagaan dib ula soo saxiixato 26 sanno jirka qadka dhexe ee xulka Wales Joe Allen kaasoo u ciyaara kooxda Liverpool. (South Wales Evening Post).

CHELSEA:

Bartilmaameedka Chelsea Kalidou Koulibaly ayaa sheegay inay kooxaha waa weyn doonayaan inay lasoo saxiixdaan ka dib markii uu 24 sanno jirkaan daafaca dambeedka dhexe ee reer Senegal hakiyey wadahadallo uu qandaraaska ugu kordhin lahaa kooxdiisa. Napoli. (L’Equipe & The Metro).

LIVERPOOL:

Daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Liverpool Kolo Toure, oo 35 sanno jir ah, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka bishaan ayaa laga yaabaa inuu bartilmaameed u noqdo kooxda ka ciyaarta horyaalka France ee AS Monaco.(Daily Mail).

MANCHESTER UNITED:

Manchester United ayaa laga yaabaa inay soo xerogeliso tababaraha ugu guulaha badan juunyarta England ee John Peacock si uu uga shaqeeyo akadeemigga kooxda. (The Sun).

LIVERPOOL:

Liverpool ayaa wadahadallo qandaraas kordhin ah la furtay 22 sanno jirka heerka caalami ee dalka Germany Emre Can, iyadoo ka saxiixaneysa qandaraas muddo dheer ah ka dib markii uu wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay. (The Guardian).

ENGLAND:

Ciyaartoyda xulka England ayaa laga yaabaa inay wajahayaan habeen hurdo la’aan ah ka hor kulankooda furitaanka ee Euro 2016 ay ku wajahayaan xulka Russia ka dib markii la dejiyey hotel ku yaalla magaalada Marseille oo ku dhow goob ay taageereyaashu ku kulmaan. (Daily Telegraph).

WEST BROMWICH:

West Brom ayaa laga yaabaa inay u weecato soo xerogelinta daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Brighton Lewis Dunk, oo 24 sanno jir ah, si ay ugu bedesho James Chester, oo 27 sanno jir ah, haddii xiddiga heerka caalami ee dalka Wales uu ka tago xagaagaan. (Birmingham Mail).