Home » Ciyaaraha » WARARKA XANTA: Masuuliyiin katirsan kooxda Barcelona oo xalay daawaday xiddig bartilmaameed u ahaa Manchester United

WARARKA XANTA: Masuuliyiin katirsan kooxda Barcelona oo xalay daawaday xiddig bartilmaameed u ahaa Manchester United
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 2:50 PM

Barcelona ayaa liiska musharaxiinta daafacayada ay doonayaan, waxay ku darsadeen daafaca Everton Ramiro Funes Mori, sida ay daaabacday majalada Spanish ee Sport.

Robert Fernandez, agaasimaha kooxda Barcelona ayaa u safray Stadium Gillette, ee magaalada Foxborough, halkaas oo Argentina si sahlan 4-1 kaga badiyeen xulka Venezuela quarter-finalka Copa America xalay, waxaana uu isha ku hayay daafaca reer Arjentina ee 25-sano jirka ah.

Sidoo kale Funes Mori, oo kaliya ku biiray kooxda Ingariiska xagaagii lasoo dhaafay, ayaa ku qanci lahaa inuu u dhaqaaqo kooxda Blaugrana oo dalab ka gudbisay hadda.

Barcelona ayaa sidookale xiiseyneysa daafaca kooxda Las Palmas Mauricio Lemos, Samuel Umtiti iyo Marquinhos, si ay ugu xoojiyaan daafacooda xili ciyaareedka dambe.

Ramiro Funes Mori, oo qaab ciyaareed xoogan lasoo baxay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay Horyaalka England, waxaana sidookale xiiso u qabta kooxda Manchester United oo hore dalab qaali ah kaga gudbisay.