Home » Ciyaaraha » WARARKA XANTA: Napoli Iyo Roma Oo Ku Dalaamaya Saxiixa ciyaaryahanka Rer Holland Georginio Wijnaldum

WARARKA XANTA: Napoli Iyo Roma Oo Ku Dalaamaya Saxiixa ciyaaryahanka Rer Holland Georginio Wijnaldum
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 8:43 PM

Kooxaha reer Talyaani ee Napoli iyo Roma ayaa ku dagaalamaya saxiixa ciyaaryahanka qaranka Holland iyo Kooxda  Newcastle United  Georginio Wijnaldum – sida wararku ay sheegayaan.

Madaxweyne Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in Napoli ay heshiis la gaartay  Udinese, balse Zielins ki uu sameyn karo waxkasta iyadoo laga yaabo inuu u dhaqaaqo Liverpool.

Sky Sport Italia ayaa sheegaysa in Napoli ay markan diiradda soo saartay ciyaaryahankaasi lagu magacaabo  Wijnaldum.

Ciyaaryahanka reer Holland ayaa diyaar u ah inuu ka tago Newcastle United maadama kooxdu ay u laabatay heerka labaad ee Premier League.

Roma ayaa si aad ah loola xeriirinayaa Wijnaldum, waxaana kooxahan ay doonayaaan in ciyaaryahankaasi 25-sano-jirka ay ku geeyaan Serie A-da aduun lacageed gaaraya €20m.

Kooxda Giallorossi ayaa raadineysa badalka  Miralem Pjanic, kaas oo maanta tijaabada caafimaad u maraya kooxda Juventus.