Home » Ciyaaraha » Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Wargeysyada Saaka Qoreen

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Wargeysyada Saaka Qoreen
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 9:23 AM

Ramadan Mubarak  meelkasta oo aad ka joogtaan dunida Ku Soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Somalistars.net ayaa idiin soo gudbinaysa dhamaan wararka suuqa kala iibsiga oo si toos ah u furmi doona 1 july ee inagu soo food leh Hadab wararkan waxa xuquuq dooda iska leh Wargaysyada ku hor qoran  Somalistars.net kaliya way soo Turjuntay

  • Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sii shiday wararka la isla dhexmarayo ee sheegay in N’Golo Kante uu ku biirayo kooxda Arsenal kadib markii uu xiddiga amaan ugu qubeeyay ka hor Euro 2016(Daily Mirror).
  • Daafaca xulka qaranka England iyo kooxda Everton John Stones ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Barcelona waxana la rumaysanyahay in uu doonayo in uu Pep Guardiola kula biiro kooxda Manchester City marka uu furmo suuqa kala iibsigu(Daily Mail).
  • Kooxda Real Madrid ayaa diyaar in ay heshiiska Paul Pogba ku daraan in ay kooxda Juventus siiyaan xiddiga xulka qaranka Spain ee Isco si ay u soo af jaranaa saxiixa xiddigan iyaga oo aan wax tartan ah kala kulmin kooxda doonaya adeegiisaa(Daily Mail).
  • Halka Kale kooxda Manchester United ayaa iyadu kooxda juventus siin doonta daafa ay juventus u waalatay ee Matteo Darmian si ay u helaan adeega xulka qaranka France iyo kooxda Juventus ee Paul Pogba(The Sun).
  • Tababaraha ka tagay kooxda Manchester City ee Manuel Pellegrini ayaa lagu soo waramayaa ayaa qarka u saaranyahay in loo magacaabo macalinka cusub ee AC Milan(The Sun).
  • Xiddiga xulka qaranka England iyo kooxda Leicester City oo ka fiirsanaya in uu iska diido ku biirista kooxda Arsenal si uu u sii joogo kooxda hanatay Horyaalka Premier League ee Leicester City(The Independent).
  • Kooxda Leicester ayaa diyaar u ah in ay kor u qaado dalabka ay ku doonayo weeraryahanka kooxda Watford ee Troy Deeney kadib markii laga soo diiday dalabkii furitaanka oo gaadhaya£15m(Daily Express).