Home » Ciyaaraha » Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Sabti Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Sabti Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 18-06-16 11:01 AM

RAMADAAN KAREEM AKHRISTEYAAL. Waa saaxiibkiin Maxamed Cabdi Raxmaan Omar  oo halkaan idinkugu soo gubdin doona wararkii ugu waa weynaa ee ay saakay wargeysyada England ka qoreen suuqa kala iibsiga. Xigashada waxaa iska leh wargeysyada ku xusan, Somalistars masuul kama ahan sugnaanshiyahooda kaliya waan idin soo turjumnay.

Manchester United, Paris St-Germain iyo Real Madrid ayaa dhammaantood doonaya inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Neymar ee kooxda Barcelona. 24 sanno jirkaan ayaa la hadli kara kooxaha miiska soo saara qiimaha 157da milyan oo ginni ah ee lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Manchester Evening News).

Jose Mourinho ayaa u sheegay 24 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee Red Devils Phil Jones inuu weli mustaqbal ku leeyahay kooxda ka dhisan Old Trafford isla markaana uu noqon karo sida John Terry kaasoo muhiim u ahaa tababaraha reer Portugal labadii kal ee uu kusoo qarash gareeyey kooxda Chelsea. (Daily Mirror).

27 sanno jirka qadka dhexe ee weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan ayaa doonaya inuu ka tago kooxda reer Germany isla arkaana uu ku biiro kooxda Mourinho ee Manchester United, sida uu sheegay wakiilka xiddigaan. (Daily Mail).

Tabababarah cusub ee kooxda Everton Ronald Koeman ayaa aaminsan inay muhiim tahay inay kooxdu magacawdo agaasime dhanka ciyaaraha ah kaasoo isaga la shaqeeya. (Liverpool Echo).

Tababaraha kooxda Fenerbahce Vitor Pereira ayaa si lama filaan ah hogaanka ugu qabtay loolanka loogu jiro xilka tababarenimo ee kooxda Southampton isagoo haatan ugu cadcad inuu xilkaas ka bedelo macalinka reer Holland Koeman. (The Times).

31 sanno jirka daafaca dambeedka midig ee Manchester City Pablo Zabaleta ayaa u muuqda inuu ku dhow yahay inuu soo afjaro waqtigiisii kooxda iyadoo daafaca heerka caalami ee dalka Argentina uu diyaar u yahay inuu dhegeysto dalabyada uga imaanaya kooxaha kale. (Manchester Evening News).

Tottenham ayaa qiimaha lacageed ee burburiyaha qadka dhexe Victor Wanyama, oo 24 sanno jir ah, kala heshiisay kooxdiisa Southampton waxayna bixin doontaa 11 milyan oo ginni, iyadoo xiddiga reer Kenya uu tijaabada caafimaadka u mari doono Tottenham Isbuuca soo aadan. (Daily Mirror).

Xiddiga qadka dhexe ee Sunderland Lee Cattermole, oo 28 sanno jir ah, ayeysan u badneyn inuu kooxda ka tago xagaagaan inkastoo ay wararku sheegayaan inuu heshiis 5 milyan oo ginni ah ugu wareegi doono kooxdiisii hore ee Middlesbrough. (Chronicle).

Black Cats ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto 27 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Wolfsburg Bas Dost, haddii ay burburaan wadahadallada ay kula jirto weeraryahanka kooxda West Ham United Diafra Sakho, oo 26 sanno jir ah. (Sunderland Echo).

Crystal Palace ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa 22 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda West Brom Saido Berahino, iyadoo ku dooneysa 15 milyan oo ginni, waxayna wadahadallo la yeelan doontaa wakiillada gooldhaliyahaan dhammaadka Isbuucaan. (Daily Mirror).

27 sanno jirka daafaca dambeedka midig ee kooxda Leicester City Ritchie de Laet ayaa doonaya inuu u dagaalamo booskiisa kooxda difaacaneysa koobka horyaalka England Premier League ka dib markii qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii dhammaaday uu heshiis amaah ah kula soo joogay kooxda Middlesbrough. (Leicester Mercury).

Foxes, Everton iyo West Ham ayaa ka mid ah kooxaha ka fikiraya inay dalabyo ka gudbiyaan weeraryahanka kooxda AC Mila iyo xulka France M’Baye Niang, oo 21 sanno jir ah. (The Guardian).

West Brom ayaan xiiso u qabin saxiixa daafaca dambeedka bidix ee kooxda Lyon Henri Bedimo, oo 32 sanno jir ah, kaasoo qandaraaskiisa uu kula jiro kooxda reer France uu dhici doono dhammaadka bisha soo aadan. (Birmingham Mail).

Heshiiskii ku kacayey 1.5 milyan oo ginni ee uu xiddiga qadka dhexe ee kooxda QPR Sandro ugu dhaqaaqayey kooxda Sporting Lisbon ayaa shaki ku jiraaa ka dib markii uu 27 sanno jirkaani ku dhacay tijaabada caafimaadka kooxda reer Portugal. (The Independent).