Home » Ciyaaraha » Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Sabti Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Sabti Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:26 AM

Manchester United ayaa sahmineysa suurtogalnimada ah inay si lama filaan ah weeraryahanka Barcelona Lionel Messi, oo 28 sanno jir ah, u keento garoonkeeda Old Trafford. (Daily Mail).

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Jack Wilshere, oo 25 sanno jir ah, ayaa si lama filaan ah u noqday bartilmaameedka ugu sarreeya ee tababaraha cusub ee kooxda Manchester City Pep Guardiola xagaagaan. (The Sun).

Real Madrid ayaa markale xagaagaan isku deyi doonta inay lasoo wareegto goolhayaha Manchester United David de Gea, balse tababaraha Red Devils Jose Mourinho ayey ka go’an tahay inuu 25 sanno jirkaan kusii celiyo kooxda ka dhisan Old Trafford. (AS).

Si kastaba ha ahaatee, goolhayaha reer Spain De Gea ayaa ka ballanqaaday taageereyaasha Manchester United inuu kooxda sii joogi doono kana hoos shaqeyn doono tababaraha uu guuleystaha ku tilmaamay ee Mourinho. (Daily Mirror).

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo 26 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda AS Roma Miralem Pjanic, xilli uu indhaha ku hayo inuu kooxdiisa ka xoojiyo qadka dhexe. (Manchester Evening News).

Weeraryahankii hore ee xulka England Emile Heskey ayaa ku adkeysanaya inuu Marcus Rashford durba ku muujiyey kooxdiisa Manchester United awoodda uu u leeyahay inuu ciyaarta wax ka bedelo, balse weeraryahankii hore ee Liverpool wuxuu qabaa in lagu degdegay inuu xiddigaani kusoo bilowdo ciyaaraha Euro 2016. (Squawka).

Everton ayaa dooneysa inay 24ka saac ee soo aadan soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo wareegeyso tababaraha haatan ee kooxda Southampton Ronald Koeman. (De Telegraaf – Holland).

Southampton ayaa ku dhibaatoon doonta inay sii ceshato xiddigaheeda lafdhabarta u ah Victor Wanyama iyo labada weeraryahan Shane Long iyo Graziano Pelle kuwaasoo qarka u saaran inay tababare Ronald Koeman u raacaan Everton. (The Sun).

31 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee Liverpool Martin Skrtel ayaa waxaa doonaya ugu yaraan laba koox oo Turkey ah xagaagaan, waxaana ka mid ah kooxda horyaalka hanatay ee Besiktas. (Liverpool Echo).

Chelsea ayaa laga yaabaa inay u weecato 25 sanno jirka weerarka uga ciyaara Liverpool Christian Benteke kaasoo ah qorshe labaad oo qiimo jaban haddii ay ku guuldarreysato inay dib ula soo saxiixato 23 sanno jirka weerarka uga ciyaara Everton Romelu Lukaku xagaagaan. (Daily Mail).

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso garabka kooxda Lazio iyo xulka Italy Antonio Candreva, oo 29 sanno jir ah. (Il Tempo – Italy).

Barcelona ayaa kula soo biirtay kooxaha Chelsea iyo Manchester City loolanka loogu jiro saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Jose Gimenez. (Talksport).

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany, oo 30 sanno jir ah, ayuu hubanti yahay mustaqbalkiisa Man City, inkastoo tababare Pep Guardiola uu bartilmaameedsanayo daafacyo ka ciyaara dambeedka dhexe sida Aymeric Laporte, oo 22 sanno jir ah, una ciyaara kooxda Athletic Bilbao iyo daafaca Everton John Stones, oo 22 sanno jir ah. (Manchester Evening News).

Stoke City ayaa ku guuleysatay saxiixa garabka 10ka milyan oo ginni lagu qiimeeyo ee kooxda Norwich City Nathan Redmond, oo 22 sanno jir ah, kaasoo diidan inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda ka dhisan Carrow Road. (Daily Mirror).

Sunderland ayaa dalab 11 milyan oo ginni ah ka gudbisay 26 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda West Ham Diafra Sakho. (The Sun).

23 sanno jirka daafaca dambeedka bidix ee kooxda Wolfsburg Ricardo Rodriguez ayaa caddeeyey inuu ku farxi lahaa haddii uu heerka kooxeed kula midoobo saaxiibkiisa ay isku qaranka yihiin Granit Xhaka iyadoo wararka xanta ah ay sheegayaan in laga yaabo inuu xagaagaan ku biiro kooxda Arsenal. (London Evening Standard).

Tottenham ayaa ka fikireysa inay sameysato Wembley Stadium ay iyadu leedahay waxayna ka dhiganeysaa garoonkeeda tababarka iyadoo tababare Mauricio Pochettino uu isku diyaarinayo inay kooxdiisu kulamadeeda UEFA Champions League ku ciyaarto garoonka xulka qaranka England. (Daily Telegraph).

West Ham United ayaa wadahadallo kula jirta kooxda Besiktas xilli ay dooneyso inay kala soo wareegto 33 sanno jirka qadka dhexe ee reer Canada Atiba Hutchinson. (Talksport).JAAS