Home » Ciyaaraha » Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Talaado Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Saaka Oo Talaado Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 21-06-16 8:48 AM

RAMADAAN KAREEM AKHRISTEYAAL. Waa saaxiibkiin Maxamed Cabdiraxman oo halkaan idinkugu soo gubdin doona wararkii ugu waa weynaa ee ay saakay wargeysyada England ka qoreen suuqa kala iibsiga. Xigashada waxaa iska leh wargeysyada ku xusan, Somalistars masuul kama ahan sugnaanshiyahooda kaliya waan idin soo turjumnay.

Kooxda difaacaneysa UEFA Champions League ee Real Madrid ayaa wadahadallo ay kula soo saxiixaneyso la furtay xiddiga qadka dhexe ee xulka France iyo kooxda Juventus Paul Pogba, oo 23 sanno jir ah, sida laga soo xigtay wakiilka xiddigaan. (Marca).

Kooxda difaacaneysa horyaalka England Premier League ee Leicester City ayaa diyaar u ah inay bixiso 30 milyan oo ginni si ay ula soo saxiixato gooldhaliyaha kooxda Watford ahna kantana kooxdaas Troy Deeney, oo 27 sanno jir ah, waxaana xusid mudan in laba dalab hore looga soo diiday. (Daily Telegraph).

Halyeeyga Manchester United Ryan Giggs, ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdaan, wuxuuna ka mid yahay tababareyaasha u sharraxan xilka kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska ee aad u garan ogtahay Championship ee Nottingham Forest. (Daily Mirror).

Giggs ayaan degdeg ku jirin si uu u qabto xilka tababarenimo ee kooxda Forest, maadaama ay milkiileyaasheedu doonayaan inay magacaabaan tababare ajnabi ah waxayna xiriir la sameeyeen tababaraha reer Spain ee hore usoo leyliyey kooxda Olympiakos ee Michel. (Nottingham Post).

Tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaa qorseynaya inuu 57 milyan oo ginni ku qarash gareeyo saxiixa laba ciyaaryahan oo u dhashay dalka Italy waana garabka kooxda Lazio Antonio Candreva, oo 29 sanno jir ah, iyo daafaca dambeedka dhexe ee xulkaa Italy iyo kooxda Juventus Leonardo Bonucci, oo 29 sanno jir ah. (The Sun).

Tababare Laurent Blanc ayaa dhammaadka Isbuucaan ka tegi doona kooxda Paris St-Germain, sida uu xaqiijiyey wakiilkiisu. (Europe One & The Guardian).

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay dalab ka gudbiso garabka kooxda Newcastle United iyo xulka England Andros Townsend, oo 24 sanno jir ah. (Daily Mirror).

Manchester City ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa Townsend, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo adduun lacageed ku dhow 10.5 milyan oo ginni. (Daily Telegraph).

Everton ayaa wadahadallo la furtay kooxda FC Porto iyadoo dooneysa inay adduun lacageed dhan 16 milyan oo ginni ugala soo wareegto gooldhaliyaha reer Cameroon ee Vincent Aboubakar. (Daily Mail).

West Brom ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato 26 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Newcastle United iyo xulka France Moussa Sissoko. (Birmingham Mail).

Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal, macalinkii hore ee kooxda Ajax Frank de Boer iyo Andre Villas-Boas ayaa ka mid ah liiska tababareyaal ay baadigoobeyso kooxda AC Milan. (La Gazzetta dello Sport).

Gooldhaliyaha ay milkiyaddiisa leedahay AC Milan Fernando Torres, oo 32 sanno jir ah, ayaa qandaraas hal sanno ah qalinka ugu duugi doona kooxda Atletico Madrid, halkaasoo uu amaah ku joogay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka dib markii kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ay amaahisay gooldhaliyahaan. (Marca).

Crystal Palace, Aston Villa iyo Norwich City ayaa dhammaantood isha ku haya inay lasoo saxiixdaan 21 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Reading Aaron Tshibola. (GetReading).

Swansea ayaa diyaar u ah inay qandaraasyo cusub ka saxiixato xiddiga qadka dhexe Leon Britton iyo daafaca dambeedka midig Angel Rangel, oo labaduba 33 sanno jir ah, iyadoo milkiileyaasha cusub ee kooxdaan ay isha ku hayaan inay tababare Francesco Guidolin usii celiyaan ciyaartoyda waa weyn ee kooxda. (South Wales Evening Post).

Tababaraha kooxda Sheffield Wednesday Carlos Carvalhal ayaan degdeg ku jirin si uu ula wareego xilka tababarenimo ee kooxda Southampton. (Sheffield Star).

Burnley ayaan weli dalab u helin daafaceeda dambeedka dhexe Michael Keane, oo 23 sanno jir ah, kaasoo ay saxiixiisa xiiso u qabaan boqoradda Premier League ee Leicester iyo Everton. (Burnley Express).

West Brom ayaa dalab 4 milyan oo ginni ah ka gudbisay 25 sanno jirka garabka uga ciyaara kooxda QPR ee Matt Phillips, sannad ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay qiimihiisa lacageed kala heshiisyaan kooxdaan. (Birmingham Mail).

19 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Manchester City Kelechi Iheanacho ayaa qarka u saaran inuu seego kulamada furitaanka horyaalka Premier League ee kooxdiisa xilli ciyaareedka soo aadan 2016 illaa 2016 haddii looga yeero xulka Nigeria ee ka qeybgelaya ciyaaraha Olympic Games 2016 ee ka dhici doona caasimadda dalka Brazil. (Manchester Evening News).