Home » Ciyaaraha » Warbixin: Kooxda Liverpool oo ku dhaw saxiixa xidig u dhashay dalka Mexico qadka dhexena ugu ciyaara kooxda FC ..

Warbixin: Kooxda Liverpool oo ku dhaw saxiixa xidig u dhashay dalka Mexico qadka dhexena ugu ciyaara kooxda FC ..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 11:36 AM

Kooxda Liverpool ayaa lasoo tabinayaa iney ku dhawdahay soo qaadashada ciyaaryahanka qadka dhexe ugu ciyaara kooxda FC Porto Hector Herrera.

26 sano jirkan ayaa si weyn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqadyo kooxda Napoli todobaadyadii aynu kasoo gudubnay, balse waxaa la aminsan yahay in macalinka kooxda Reds Jurgen Klopp uu gacan weyn ka geystay saxiixa xidigan.

Sida lagu daabacay wargeysyada ka faalooda arimaha Ciyaaraha, Herrera oo xilligan gudanayo waajibaadka dalkiisa isaga oo kamid ah ciyaaryahanada Mexico u matalaya Copa America, ayaa u jira kaliya hal talaabo kusoo biirista kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska.

Ciyaaryahanka ka xamaala qadka dhexe ayaa kaga soo biiray kooxda FC Porta dhanka iyo kooxda Pachuca sanadkii 2013 ka waxa uuna tan iyo xilligaas kasoo muuqday kooxda reer Portugal 100 jeer dhamaan kulamadii ay kooxda ay ciyaartay.