Home » Ciyaaraha » Warbixin Ku Saabsan Xiliga ee Dheelayaan 4 Watan ee isku soo xaaray Kooba Euro 2016 Iyio Magaalooyinka ee ku dheeli donaan

Warbixin Ku Saabsan Xiliga ee Dheelayaan 4 Watan ee isku soo xaaray Kooba Euro 2016 Iyio Magaalooyinka ee ku dheeli donaan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 4-07-16 7:47 AM

Xulka France ayaa ku biiray xulalka Germany, Portugal iyo Wales oo hore u taaagnaa wareega semi-fiinaalka tartanka  EURO2016.

France ayaa ku wajihi doona semi-fiinaalka UEFA EURO 2016 xulka Germany magaalada Marseille khamiista, halka Portugal iyo Wales magaalada Lyon maalin ka hor ay ku kulmi doonaan.

Tartnka oo hadda meel xiiso badan soo gaaray, waxaa lasoo gabagabeyn doonaa 10 July, iyadoo aan la sadaalin karin xulalka kama dambeysta soo gari kara.

Dib U eegid Awooda uu xul kastaa uu ku yimid heerkaan Afar dhamadka.

Portugal

Wareega Hore: 1-1 Iceland, 0-0 Austria, 3-3 Hungary, Wareega 16ka: 1-0 Croatia (waqti dheeri ah), Wareega sideed dhamadka: 1-1 Poland (5-3 rigoorayaal)

Ragga ugu goolasha sareeya waa Cristiano Ronaldo, Nani oo min (2) gool dhaliyay

Celceliska guushooda waa: 54%

EURO Heerkoodii ugu fiican (2004)

Wales

Wareega Hore: 2-1 Slovakia, 1-2 England, Russia 3-0, Wqareega 16ka, 1-0 Northern Ireland, Wareega Sideed dhamaadka :3-1 Belgium

Ninka ugu goolasha badan waa Gareth Bale (3) gool

Celceliska guushooda waa : 47%

EURO heerkoodii ugu fiican:-Waa Hadda (2016)

Germany

Wareega Hore: 2-0 Ukraine, 0-0 Poland, 1-0 Northern Ireland, Wareega 16:3-0 Slovakia,Wareega Sideeda: 1-1 Italy (6-5 rigoorayaal)

Ninka ugu goolasha sareeya waa Mario Gomez (2) gool

Celceliska guulahooda waa: 63%

EURO heerkoodii ugu fiican  (1972, 1980, 1996) oo ay ku guuleysteen.

France

Wareega Hore: 2-1 Romania, 2-0 Albania, 0-0 Switzerland, Wareega 16ka: 2-1 Republic of Ireland, Wareega Sideeda: Iceland 5-2

Ninka Ugu goolasha Sareeya waa Antoine Griezmann (4) gool

Celceliska guulahooda waa: 56%

EURO heerkoodii ugu fiican waa (1984, 2000) oo ay ku guuleysteen