Home » Ciyaaraha » Wargeysyada caalamka iyo wararkii ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada maanta oo khamiis ah

Wargeysyada caalamka iyo wararkii ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada maanta oo khamiis ah
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 12:24 PM

RAMADAAN KAREEM AKHRISTEYAAL. Waa saaxiibkiin Maxamed Cabdiraxman oo halkaan idinkugu soo gubdin doona wararkii ugu waa weynaa ee ay saakay wargeysyada England ka qoreen suuqa kala iibsiga. Xigashada waxaa iska leh wargeysyada ku xusan, Somalistars masuul kama ahan sugnaanshiyahooda kaliya waan idin soo turjumnay.

Manchester City ayaa heshiiska ay kula soo wareegeyso 29 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Celta Vigo iyo xulka Spain Nolito waxay soo dabadhigi doontaa dalab 30 milyan oo ginni ah oo ay ka gudbineyso gooldhaliyaha kooxda Schalke iyo xulka Germany Leroy Sane, oo 20 sanno jir ah. (Daily Mail).

Ryan Giggs ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxdiisa Manchester United si uu u raadsado shaqo tababare koowaad uu koox ugu noqonayo, wuxuuna soo afjari doonaa 29 sanno oo uu adeege daacad ah usoo ahaa kooxda ka dhisan Old Trafford. (Daily Mail).

Tababaraha cusub ee Man United Jose Mourinho ayaa isku diyaarinaya inuu dalab 50 milyan oo ginni ah ka gudbiyo xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Wales Aaron Ramsey, oo 25 sanno jir ah. (The Sun).

Tottenham ayaa heshiis 12 milyan oo ginni ku kacaya la meeldhigtay kooxda AS Roma waxayna kala soo wareegeysaa 20 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Paraguay ee Antonio Sanabria. (La Gazzetta dello Sport – Dalka Italy).

Liverpool ayaa ka fikireysa inay lasoo wareegto gooldhaliye Sadio Mane, iyadoo kooxdiisa Southampton ay 24 sanno jirkaan reer Senegal ku qiimeyso addduun lacageed dhan 25 milyan oo ginni. (Daily Express).

Chelsea ayaa wadahadallo ku aadan saxiixa gooldhaliye Alvaro Morata waxay la furtay kooxda Real Madrid, milkiilaha Blues Roman Abramovich ayaa daawaday qaab ciyaareedka 23 sanno jirkaan u dhashay dalka Spain Talaadadii ciyaartii ay xulka Croatia kula ciyaareen magaalada Bordeaux ee dalka France. (Daily Telegraph).

West Ham United ayaa isku diyaarineysa inay dalab 15 milyan oo ginni ah ka gudbiso 24 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Juventus iyo xulka Italy Simone Zaza. (The (Guardian).

Liverpool ayaa isku diyaarisay inay iska iibiso 26 sanno jirka qadka dhexe uga ciyaara ee u dhashay dalka Wales Joe Allen waxayna ku baayaceysaa adduun lacageed dhan 10 milyan oo ginni. (Daily Telegraph).

Reds ayaase soo afjari doonta xiisaheeda ay u qabto 19 sanno jirka daafaca dambeedka bidix Ben Chilwell haddii aysan kooxdiisa Leicester City hoos u dhigin qiimaha 10ka milyan oo ginni ah ee ay duldhigtay madaxa daafacaan. (Liverpool Echo).

Arsenal ayaa wadahadallo ay qandaraas cusub uga saxiixaneyso la bilowday 20 sanno jirka daafaca dambeedka midig ee u dhashay dalka Spain Hector Bellerin kaasoo bartilmaameed u ah kooxda Barcelona. (Sport – Dalka Spain).

Inter Milan ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 31 sanno jirka daafaca dambeedka midig ee kooxda Manchester City iyo xulka Argentina Pablo Zabaleta. (The Sun).

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Bundesliga ee Red Bull Leipzig ayaa kasoo dalbatay 17 sanno jirka qadka dhexe uga ciyaara West Ham United Reece Oxford qandaraas uu Isbuucii ku qaadan doono 20 kun oo ginni. (Sky Sports).

West Brom ayaa xiiso u qabta inay lasoo saxiixato 24 sanno jirka garabka uga ciyaara kooxda Newcastle United ee Andros Townsend waxayna isku diyaarisay inay baayacdo 25 sanno jirkeeda garabka ka ciyaara Callum McManaman.(Daily Express & Daily Star).

Burnley ayaa iska diiday dalab 15 milyan oo ginni ah oo ay kooxda Leicester City kasoo gudbisay 23 sanno jirkeeda daafaca dambeedka dhexe Michael Keane, waxayna jeclaan laheyd inay lasoo saxiixato 30 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Stoke City Charlie Adam. (Lancashire Telegraph).

Tababaraha haatan ee kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu ula soo saxiixday 17 sanno jirka reer Norway ee weerarka ka ciyaara Martin Odegaard markii uu maamulayey kooxda Real Madrid wuxuuna ku qeexay ‘Leyli suuqa kala iibsiga ah’. (AS).

32 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay inuu isagu gami rabay rigooradii xulka Spain ay heleen ciyaartii ay wajaheen xulka Croatia Talaadadii laakiin wuxuu qirtay inuu bedelkeeda qaatay 30 sanno jirka daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid Sergio Ramos ka dibna uu qasaariyey. (Mundo Deportivo – Dalka Spain).

Watford ayaa qandaraas cusub kasoo dalbatay 27 sanno jirkeeda weerarka uga ciyaara ee Troy Deeney, Watford ayaa kabtankeeda u laba jibbaari doonta mushaarka uu haatan qaato si ay uga ceshato kooxda difaacaneysa horyaalka England Premier League Leicester City. (Daily Telegraph).