Home » Ciyaaraha » Wax waliba aad ugu baahan tahay kulanka caawa Belgium vs Hungary

Wax waliba aad ugu baahan tahay kulanka caawa Belgium vs Hungary
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-06-16 7:30 AM

Xulka Belgium ee lagu naaneeso rode duivels ama shayaadiinta cascas ayaa caawa wajahaya xulka Hungary oo si lama filaan ah koowaad uga soo baxay guruub ay ku jireen Portugal iyo Austria.

KUlanka: Hungary Vs Belgium

Garoonka:

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Wararka Labada Xul:

Belgium ayaa ciyaaraya kulan ay ugu cadcad yihiin guushii laakin xulka Hungary ayaan qudhooda la dhayalsan karin kadib guushii ay ka gaareen guruubkooda F oo ay markii hore ka ahaayeen koox iska meel dhexaad ah.

rode duivels ayaa labaad kaga soo baxya guruubkii Italy ay hogaamineysay waxayna guulu ka gaareen xulalka Sweden iyo Ireland.

Hungary ayaana soo gaartay heer ay ku riiyonyesay laakin waxay caawa hool fiican uga baahan yihii da’yarka kubada sameeyaha ah ee László Kleinheisler oo ay tahay inuu raaco raadkii kabtan Balázs Dzudzsák kulankii ay la ciyaareen Portugal.

 

Dhaawaca uu qabo Attila Fiola ayaa keeneysa in Ádám Lang uu ka ciyaaro daafaca midig halka daafaca dhexe ee Roland Juhász uu la dagaalami doono saaxiibkiisi hore ee Anderlecht  Romelu Lukaku.

Marc Wilmots ayaa ka walwalsan xaalada dhaawac ee Mousa Dembélé laakin Radja Nainggolan ayaa si fiican u qabsaday howshiisa kulankii Sweden.

Shaxaha Maqcuulka Ah Ee Labada XUl

Hungary: Király; Kádár, Guzmics, Juhász, Lang; Nagy, Gera; Lovrencsics, Kleinheisler, Dzsudzsák, Szalai.
Out: Fiola (ankle)

Belgium: Courtois; Meunier, Alderweireld, Vermaelen, Vertonghen; Witsel, Nainggolan; Carrasco, De Bruyne, Hazard; Lukaku.