Home » Ciyaaraha » Wax waliba oo aad jeceshahay inaad ka ogaatid kulanka daah furka u ah koobka Qaramada qaarada Yurub 2016 ka.

Wax waliba oo aad jeceshahay inaad ka ogaatid kulanka daah furka u ah koobka Qaramada qaarada Yurub 2016 ka.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 12:06 PM

Waxaa caawo si rasmi ah magaalada Paris ee dalka France kaga bilaaban doono tartanka UEFA Euro 2016 oo lagu daah furi doono xulka marti galinaayo France iyo xulka Romania.

Kulankaan xiisaha badan wuxuu si rasmi ah u bilaaban doonaa 10:00 habeenimo ee xiliga Geeska Afrika waana kulan caalamka oo idil laga wada sugaayo.

Macalin Didier Deschamps muxuu ka yiri kulankaan “Kulankaan waa midka u noqon doono dhawaqa saxda ah tartanka Euro 2016, waana inaan guul ku af bilaawnaa si culeeska na saaran nooga haro”

Tababaraha xulka Romania Anghel Iordănescu isagana wuxuu yiri “Waxaan la cayaari doonaa mid ka mid ah xulalka ugu wanaagsna tartanka Euro 2016, sidaa darteed waa in lugaheena aysan wax qalad ah galin”

Dib u xasuuso labadaan xul 20-sano ka hor 10 June sanadii 1996 waxay ku kulmeen tartankii Euro 1996 ee dalka England lagu qabtay.

Habeenkaas waxaa guusha 1-0 ku qaateen xulka France ayagoo goolka muhiimka ah ee uu u dhaliyay Christophe Dugarry daqiiqadii 25-aad.

Shaxda Macquulka Ah Oo Ay Caawo Labadan Xul Kusoo Gali Donaan:

France (4-3-3): Lloris; Sagna, Rami, Koscielny, Évra; Pogba, Kanté, Matuidi; Griezmann, Giroud, Payet.

Romania (4-2-3-1): Tătăruşanu; Săpunaru, Chiricheş, Grigore, Raţ; Hoban, Pintilii; Popa, Stanciu, Stancu; Keșerü.

Waxaa shaki ku jiraa in Romania uusan u cayaari karin xidigooda Filip oo qoobka ka dhaawacan.

Kulamadii Ugu Dambeeyay Oo Ay Xulalkaan Euro Ugu Diyaar Garoobeen:

France 10-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaareen waxay guuleesteen 9-ka mid ah halka 1-kulan laga badiyay sidaa darteed furitaanka Euro waxay u heestaan diyaar garow aad u sareeyo.

Romania 10-kulan ee ugu dambeeyay oo ay cayaareen waxay guuleesteen 3-kulan halka 6-kulana ay bar bar dhac galeen sidoo kalena 1-kulan ayaa laga badiyay, sidaa darteed Romania xaalkooda ma fadhiyo.

Taariikh Ahaan Kulamada Guud Oo Ay Wada Cayaareen Labadaan Xul:

Guud ahaan 12-kulan ayay wada cayaareen waxayna France guusha qaateen 5-kulan halka Romania ay badiyeen 2-kulan sidoo kalena 5-kulan bar bar dhac ayay galeen.

France waxay Romania guud ahaan ka dhaliyeen 15-gool halka Romania iyagana ay France guud ahaan ka dhaliyeen 9-gool.

Ma Ogtahay: macalin Deschamps khadka dhexe ayuu ka cayaarayay 20-sano ka hor habeenkii France 1-0 guusha kaga qaateen xulka Romania tartankii Euro 1996 sidoo kalena macalinka haatan Romania hogaamiyo Iordănescu  isaga ayaa habeenkaas macalin u ahaa.

Sidaa darteed Labadan shaqsi caawo ayagoo macalin ah ayay is haleeli doonaan hadii 20-sano ka hor ayagoo kala duwan macalin iyo cayaaryahan ah iska hor imaadeen.

Sadaasha Laga Bixiyay Kulankan: Xulka France 6-kulan ee ugu dambeesay oo ay Romania la cayaareen wax guul daro ah ma aysan kala kulmin.

Sidaa darteed dadka cayaaraha ka faaloodo badankooda waxay aaminsan yihiin in furitaanka Euro 2016 xulka France 2-0 qiyaas ahaan guusha kaga qaadan karaan xulka Romania.