Home » Ciyaaraha » Waxa uu ahaan lahaa Macalin Garoonka kujira ilmahana waa u Caqliyeyn lahaa balse Waxa uu doortay in uu shaashada ka Daawado Waa kuma?

Waxa uu ahaan lahaa Macalin Garoonka kujira ilmahana waa u Caqliyeyn lahaa balse Waxa uu doortay in uu shaashada ka Daawado Waa kuma?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 12:47 PM

Warbaahinta dalka England ayaa waxa ay ku tilmaameen Xulka qaranka dalkooda in uu yahay mid aan lahayn qibrad Cayaareed isla markaana aan haysan Cayaartoy waayo arag ah oo Xidigaha da da yar ee dalkaas Wax u sheegta.

Xulka qaranka dalka England ayaa aad loo dhaleeceeyey ka dib bareejadii waqtiga dambe ay la yimaadeen Ruushka iyo Goolkii ay difaacan Waayeen waqtiga yar ee ka hartay Cayaarta waxaana laysku Raacay hadii uu Garoonka kujiri lahaa John Terry in aysan dhacdeen in labareejeeyo England.

Inta badan Cayaartoydii hore ee Xulka qaranka England ayaa isku Raacay in Cayaartoyda uu Xushay Macalinka dalkaas aysan ahayn kuwo haysta qibrad ku filan waayo Waxaa lajoogay dhamaadkii Cayaarta waxa ay ahayd in ay kubada dheelaan daafaca khadka dhexe marna Goolhayaha dib loogu celiyo si waqtigu u dhamaado balse markasta Waxa ay Raadinayeen Gool labaad kubada Laga soo qaaday ayaana lagadhaliyey.

John Terry ayaa laysku Raacay in uu aad ugu baahnaa qaranka England waayo Waxa uu noqon lahaa Macalin Garoonka kujira waana Waayo arag balse hada Waxa uu dalxiis ku joogaa isaga iyo Xaaskiisa Toni dalka Croatia Waxa uuna kulankii dalkiisa ka daawanayey shaashada.

Xidigaan ayaa Cayaaraha Caalamiga ah uga Fariistay Xanaaq uu ka qaaday fadeexad lagu soo oogay oo Maxkamad lagu saaray laguna Ganaaxay Waxaana Marar badan laga Codsaday in uu dib ugu laabto qaranka waana diidey.