Home » Ciyaaraha » Waxaa la iiga reebay qaranka dalkeyga Cusuriyad iyo diinteyda Geym ayaan dheelayey mana daawan Cayaartoodii hadaba kumaan ahay?

Waxaa la iiga reebay qaranka dalkeyga Cusuriyad iyo diinteyda Geym ayaan dheelayey mana daawan Cayaartoodii hadaba kumaan ahay?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 8:23 AM

Mid kamid ah Xidigaha laga reebay qarankooda koobka qaramada yurub ayaa bartiisa bulshada waxa uu soo dhigay isaga oo Geym dheelaya Waqtigii dalkiisu dheelayey kulankii u horeeyey ee koobka yurub 2016.

Waa Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema Waxa uu sheegay in uusan daawan kulankii Furitaanka ee koobka yurub France iyo Romania Sababtoo ah waxa aan aaminsanahay ayuu yiri in qaranka la iiga Reebay Cunsuriyad iyo diinteyda islaamka oo uu Necebyahay Didier Deschamps.

Karim Benzema oo lagu eedeeyey in uu Faafiyey Filim anshax daro ahaa ayaa Waraysi uu dhawaan siiyey Wargeyska Marca waxa uu ku sheegay in France ay ka jirto Cusuriyad uu dabada ka riixayo Cayaaryahankii hore ee Man United Eric Cantona kaas oo Xiriir la leh Macalinka France iyo koox Cunsuriyiin ah oo neceb diinta islaamka waana Sababta looga tagay ayuu yiri Hatem Ben Arfa iyo Samir Nasri.

1 2 3