Home » Ciyaaraha » Waxaan u hayaa Xushmad macalin Sir Alex Ferguson ”Pogba

Waxaan u hayaa Xushmad macalin Sir Alex Ferguson ”Pogba
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 9-06-16 9:52 AM

Cayaaryahanka Xulka qaranka France iyo Naadiga Juventus Paul Pogba ayaa sheegay in uu weli Xushmad u hayo Macalinkiisii hore ee Manchester United  Sir Alex Ferguson isla Markaana uu Salaamayo hadii uu ka Hor yimaado.

Paul Pogba”Sir Alex Ferguson Waxa aan u Xushmeeyaa sida aan u Xushmeeyo Madaxweyne  Barack Obama,mana jirto Wax Colaad ah oo na dhex taala labadeena/

Sidoo kale Xidigii hore ee Manchester United ayaa sheegay in uusan Wax shalaay ah ka qabin katagitaankiisii Old Trafford Waayo waxa uu yiri Waxa aan qaaday koobabkii aan doonayey hadana dalkeyga ayaan u doonayaan koobka yurub 2016.

Pogba ayaan meesha ka saarin hadii uu dib ugu laabanayo Manchester United isaga oo yiri maxaa ii diidiya in aan u dheelo aniga oo 16 Jir ah ayaan ku soo biirey weligeeyna waxaan ku riyoon jirey in aan u dheelo.