Home » Ciyaaraha » Weeraryahanka kooxda Bayern Lewandowski oo laga yaabo inuu usoo dhaqaaqo Ingiriiska kooxdee ayuu ku biirayaa

Weeraryahanka kooxda Bayern Lewandowski oo laga yaabo inuu usoo dhaqaaqo Ingiriiska kooxdee ayuu ku biirayaa
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-06-16 1:31 PM

Xidiga kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa lasoo tabinayaa inuu ku biiri doono kooxda Liverpool waa hadii ay kooxda Reds ka kusoo laabato tartan koobka horyaalada Yurub ee Champions League.

27 Sano jirkan u dhashay dalka Poland ayaa la aminsan yahay inuusan ku laheyn sal fadhiya gegida Alianz Arena, waxaana soo baxyaey dhawaanahan warar sheegayey inuu u dhaqaaqayo kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ee Real Madrid.

Balse sida lagu xusay wargeyska Daily Mail Lewandowski ayaa kala hadlay kooxdiisa suurtagalnimada uu kooxda ugu kordhin lahaa qandaraaskiisa, balse waxaa furan ayaa lagu sii daran maqaalkan in Robert uu dhageysanayo dalabyada ugu imaanayo horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Wararka ayaa intaas ku sii darayo in ciyaaryahankan 47 ka gool u dhaliyey kooxda Bavarians ka 57 kulan oo uu kusoo bilowday inuu u wareegi doono kooxda Real Madrid hadii ay kooxdiisa Bayern dhagaha ka fureystaan dalabka uu u gudbiyey.

Jurgen Klopp ayaa doonayo inuu dib ula midoobo xidigiisii hore wallow kooxda Man United ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa weerar yahankan ku mashquulsan gudashada waajibaadka dalkiisa.