Home » Ciyaaraha » Weeraryahanka Man United Marcus Rashford oo jebiyey rikoor u yaalay Kabtan Wayne Mark Rooney

Weeraryahanka Man United Marcus Rashford oo jebiyey rikoor u yaalay Kabtan Wayne Mark Rooney
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-06-16 10:39 AM

Weeraryahanka dhallintayar ee kooxda Manchester United Marcus Rashford ayaa noqday mid si joogto ah u jebiya rikooro hore loo sameeyey, wuxuuna liiskiisa ku darsaday rikoor kale ka dib markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee Euro 2016 u saftay xulka England Khamiistii.

18 sanno jirkaan ayaa lagu daray 23ka ciyaaryahan ee uu tababare Roy Hodgson usoo xushay ciyaaraha kama dambeysta ah ee Euro 2016, laakiin keliya wuxuu ahaa dooqa afaraad marka ay timaado weeraryahannada ay madashaan usoo xusheen Three Lions.

Xiddigaan dhallintayar ayaa kulankiisi ugu horreeyey ee dhammeystiran u saftay Red Devils bishii February ee horraantii sannadkaan, wuxuuna kulankaas laba gool ka dhaliyey Arsenal, waxaana usoo raacay inuu noqday xiddigii ugu dhallintayaraa ee gool ka dhaliyey kulanka Manchester Derby ka dib markii uu ka caawiyey Man United inay 1-0 ku garaacdo Manchester City bishii March ee isla sannadkaan.

Rashford ayaana haatan liiska rikoorada uu jebiyey ku daray mid kale, waana inuu jebiyey rikoorkii uu dhigay Wayne Rooney sannadkii 2004tii isagoo noqday ciyaaryahankii ugu dhallinyaraa ee abid u ciyaara xulka England bandhigga European Championships.

Xaqiiqda ayaa ah inuu Rashford keliya afar cisho ka yar yahay dhallintii uu jiray Rooney waqtigaas oo uu Wazza noqday ciyaaryahankii ugu dhallintayaraa ee abid u ciyaara xulka England intii lagu jiray Euro 2004.