Home » Ciyaaraha » Weeraryahanka Spain Nolito Oo Maanta Usoo Duulaya England Si Uu Caafimaadka Ugu Maro Man City [Telegraph]

Weeraryahanka Spain Nolito Oo Maanta Usoo Duulaya England Si Uu Caafimaadka Ugu Maro Man City [Telegraph]
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 8:03 AM

Weeraryahanka xulka Spain Nolito ayaa maanta usoo duulaya magaalada Manchester si uu caafimaadka ugu maro kooxdda Man City sidaa waxaa sheegtay jariirada Daily Telegraph.

Waxaa uu uciyaaray xulka La Roja tartanka Euro 2016 ka hor intii aaney Italy kasoo saarin Marxalada 16-ka,Xidigaan ayaa hal gool ka dhaliyay marxaladii Group-yada ee Euro 2016 ciyaar ay wajaheen Turkey,hada xidigaan ayaa kooxdda Celta Vigo uga soo dhaqaaqaya aduun dhan £13.8 million.

Waa 29 jir laakiin waa saxiix fiican, waxaa uu noqon doonaa saxiixii labaad ee tababare Pep Guardiola kadib Ilkay Gundogan oo ka yimid Borussia Dortmund.

Nolito ayaa ka mid ahaan jiray kooxdda Barcelona B markaas oo Guardiola uu macalin ka ahaa kooxdda labaad ee Barcelona sidaa darteed labada nin horey ayey isku yaqaaneen.

Saddex sano oo uu joogay Barcelona intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2011 Nolito ayaa 5 kulan oo qura kasoo muuqday kooxdda waa weyn ee Barcelona si walbaba waxaa uu 106 kulan u saftay Barcelona B isagoo u dhaliyay 29 gool ka hor intii uusan aadin Benfica.

Si walbaba xidigaan ayaa ka tirsanaa kooxdda Celta Vigo sadexdii sano ee lasoo dhaafay isagoo u dhaliyay 39 gool.