Home » Ciyaaraha » Willian oo dhabarka xejinaya macalinkiisii hore ee Jose Mourinho xilli uu doonayo inuu qalinka ugu..

Willian oo dhabarka xejinaya macalinkiisii hore ee Jose Mourinho xilli uu doonayo inuu qalinka ugu..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 23-06-16 10:22 AM

Sida ay sheegayaan warbixino badan oo ka imaanaya gudaha Britain garabka weerarka kooxda Chelsea Willian ayaa diyaar u ah inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa isla markaana uu iska iloobo xiisaha uu u qabo macalinkiisii hore Jose Mourinho kaas oo haatan la wareegay talada kooxda Man United.

Majaladda The Sun ayaa shaacisay in xidigaan reer Brazil ee 27-jirka ah uu diyaar u yahay inuu saxiixo heshiis afar sano ah kaas oo Stamford Bridge kusii heyn doona ilaa 2020.

Macalinka cusub ee kooxda Red Devils Jose Mourinho ayaa doorbidaya saxiixa xidigaan kaas oo uu kala soo saxiixday sanadii 2013 kooxda Anzhi Makhachkala isagoo London ku keenay aduun dhan 32 Malyan Oo Pound, balse suuragal uma ahan madama uu xidiga iska iloobayo xiriirka kala dhaxeeya macalinkiisii hore.

Si kastaba United ayaa lagu soo waramayaa iney diyaarineysay lacag dhan 60 Malyan Oo Pound, balse kooxda ka dhisan Galbeedka London diyaar uma ahan iney xidigaheeda ka iibiso macalinkii ay shaqada ka eryeen December sanadkii tagay.