Home » Ciyaaraha » Xaaska Toni Kroos oo ka farxisay dhamaan kooxaha doonayo ciyaaryahankan xilli ay ka dhawaajisay..

Xaaska Toni Kroos oo ka farxisay dhamaan kooxaha doonayo ciyaaryahankan xilli ay ka dhawaajisay..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 24-06-16 11:54 AM

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Jarmalka qadka dhexena ugu ciyaara kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa si ba’an loola xiriirinayaa xagaagan inuu u dhaqaaqayo kooxda ka dhisan gegida Old Trafford ee Man United xagaagan.

Toni Kroos ayaa horey loola xiriirinayey Man United inuu u wareegayo xagaagii 2014 ka ayeyna aheyd markii ay soo baxeen warar sheegayo in xidigan uu u dhaqaaqayo cariga Ingiriiska balse ugu dambeyn waxa uu ka door biday inuu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ee Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa markale soo if baxay warar sheegayo in xidigan uu isaga hayaami doono kooxda Los Blancos kadib labo xilli ciyaareed uu ku sugnaa halkaas waxaana wada doonayo kooxaha Bayern Munich, Manchester City iyo United.

Ugu dambeyn sida lagu xusay wargeyska El Confidencial haweeneyda uu qabo Toni Kroos ayaanan ku qanacsaneyn nolosha magaalada loogaaga arimiyo dalka Spain waxa ay dooneysaa in seygeeda uu isaga hayaamo Bernabeu kuna biiro kooxo kale.