Home » Ciyaaraha » XANTA SUUQA KALA IIBSIGA: De Bruyne Iyo Hazard Oo Ku Jira Liiska Xiddigaha Barcelona Ula Muuqda Bedelka Neymar

XANTA SUUQA KALA IIBSIGA: De Bruyne Iyo Hazard Oo Ku Jira Liiska Xiddigaha Barcelona Ula Muuqda Bedelka Neymar
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:43 AM

Barcelona ayaa isku diyaarineysa bixitaanka xiddigeeda garabka ka ciyaara Neymar waxayna isku aadisaneysaa liiska ciyaartoyda ay suurtogalka tahay inay ku bedesho xiddigaan oo ay ku jiraan Kevin De Bruyne iyo Eden Hazard, sida laga soo xigtay shabakadda Voetbal International.

Kooxaha jeebweynta ah ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa si aad ah u doonaya inay xagaagaan lasoo saxiixdaan xiddiga heerka caalami ee dalka Brazl, Barcelona ayaana indhaha ku heysa shan ciyaaryahan oo ay dooneyso inay ku bedesho ugu dambeyn marka uu ka huleelo Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, liiska Catalans waxaa ugu horreeya labada xiddig ee u dhashay dalka Belgium De Bruyne oo u ciyaara kooxda Manchester City iyo Hazard oo isna u ciyaara isla kooxda ka ciyaarta horyaalka England Premier League ee Chelsea.

Barca ayaase sidoo kale isha ku heysa weeraryahanka Juventus iyo dalka dalka Argentina Paulo Dybala, mashiinka goolasha reer France ee kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann iyo garabka duula ee dalka Brazil iyo kooxda Bayern Munich Douglas Costa.