Home » Ciyaaraha » XANTA SUUQA: Kooxda Barcelona Oo Ugu Dambeyn Ka Xaday Hector Bellerin

XANTA SUUQA: Kooxda Barcelona Oo Ugu Dambeyn Ka Xaday Hector Bellerin
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:22 AM

BARCELONA ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo daafaca Arsenal Hector Bellerin, ka dib markii  Juventus uu u dhaqaaqay Dani Alves, sida ay sheegayaan wararka.

Evening Standard ayaa sheegay kooxda heysata horyaalka Spain, ay wadaan qorshihii ugu weynaa oo ay kusoo iibsanayaan 21-sano jirkaan oo loo arko bedelka ugu dhaw ee ninka reer Brazil.

Alves ayaa qalinka ugu duugay heshiis labo sanno ah kooxda heysata horyaalka Serie A, isagoo soo afjaray sideed sano oo uu ku qaatay Camp Nou.

Arsenal waxay awoodaan inay dalbadaan lacag aad ubadan haddii ay fasaxayaaan daafaca kooxda koowaad.

Macalinka Arsenal ayaa weydiisan kara Barcelona £ 43.1m, tasoo ah qiimaha dhabta ah ee lagu heli karo ciyaaryahanka.

Bellerin ayaa saddex sano uga harsan tahay heshiiska uu kula joogo kooxda Emirates ,isagoo hadda kala qeyb galaya Spain tartanka Euro 2016 .

Barcelona ayaa hore kaga soo iibsatay Arsenal Cesc Fabregas iyadoo hadda markale ka dooneysa daafaca midig ee markii hore kasoo qalin jabiyay xerada Catalan.