Home » Ciyaaraha » XANTA SUUQA: Real Madrid Oo Lacag Iyo Toni Kroos Isugu Dareeysa Juventus Si Ay U Hesho Pogba.

XANTA SUUQA: Real Madrid Oo Lacag Iyo Toni Kroos Isugu Dareeysa Juventus Si Ay U Hesho Pogba.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 6:45 PM

Walaalka Toni Kroos Felix ayaa waxaaa uu cadeeyey in Real Madrid ay diyaar la tahay ciyaaryahan Toni iyo lacag dhan £95million (€120m) si ay u helaan Pogba.

Felix oo 25-sano jir ah kaasi oo u dheela kooxda Union Berlin waxaana uu xaqiijiyey in Los Blancos ay diyaar la tahay in 23-sano jirka ay hesho.

Toni Kroos ayaa tartamada oo dhan u saftay kooxda Real Madrid 44 kulan , xilli Pogba uu ciyaaray 49 kulan isagoona dhaliyey 10 gool.

Macalin Zidane ayaa wax badan raadinayey ciyaaryahan Paul Pogba isagoona hada uu sheegay inuu wax badan kusoo qaadankaro qaab waliba xidigaasi.

”Waa macquul inay layaab kula noqoto , laakiin waxaa ay noqondoontaa mid macquul ah.

”Toni waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka marka loo fiiriyo darajadiisa.