Home » Ciyaaraha » XASAASI: Bartilmaameedkii Arsenal Iyo Tottenham Michy Batshuayi Oo Ogolaaday € 40m Inuu Ugu dhaqaaqo Chelsea

XASAASI: Bartilmaameedkii Arsenal Iyo Tottenham Michy Batshuayi Oo Ogolaaday € 40m Inuu Ugu dhaqaaqo Chelsea
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-06-16 8:14 AM

Michy Batshuayi, waxaa uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Chelsea ka dib markii Blues ay kula heshiiyeen € 40million weeraryahanka kooxda Marseille.

Batshuayi, oo 22-sano jir ah ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan oo ka dhisan Europe, kuwasoo ay kujiraan kooxaha Premier League Chelsea, Arsenal iyo Spurs.

Waxa ay ahayd oo keliya habeenkii isniinta markii kooxda Crystal Palace ka gudbisay dalab € 38 milyan ah oo ay aqbaleen kooxda Faransiiska, laakiin Batshuayi ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Selhurst Park subaxnimadii Talaadada.

Waxa uu dhaliyay 17 gool oo Horyaalka Ligue 1 ah, 36 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay,

Waxaa La rumeysan yahay heshiis Afka ah inuu la sameeyay kooxda Chelsea, iyadoo labada koox si wada jir ah ay sheekada ugu dhawaaqi doonan

Batshuayi, ayaa sidookale wacdaro ka dhigaya ciyaaraha Euro 2016, oo uu kala qeyb galayo xulkiisa Belgium.