Home » Ciyaaraha » Xiddig Chelsea ka tirsan oo sugi la’ la shaqeynta Conte

Xiddig Chelsea ka tirsan oo sugi la’ la shaqeynta Conte
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:31 AM

Goolhayaha Chelsea Asmir Begovic ayaa sheegay in ay sugi la’yihii la shaqeynta Antonio Conte xilli ciyaareedka dambe.

Conte, oo ay da’diisu tahay 46, ayaa ku biira Cheslsea laba bil kahor waxa uuna majaraha u qaban doonaa bisha dambe.

Hase yeshee, waxa uu hada isu diyaarinayaa kulanka warega 16 ee Spain la leeyihiin Euro 2016.

Waxa uu yiri Begovic:  ‘Waan daawaday kulankii Belgium, cajiib ayuu ahaa, waa tababare sare. Micneheedu ma aha waxa uu Italy ka sameenayo in uu anagana noo smaeyn doono. Wax badan ma aqrin kartid laakiin waan faraxsanahay,’ ayuu yiri Begovic.

‘Waxan filayaa in is badal dhinac wacan noqdo.’

Newcastle United v Chelsea ,Barclays Premier League