Home » Ciyaaraha » Xiddiga Kooxda Barcelona Javier Mascherano oo ka hadlay Qorshihiisa Mustaqbalka Kooxdiisa Barcelona

Xiddiga Kooxda Barcelona Javier Mascherano oo ka hadlay Qorshihiisa Mustaqbalka Kooxdiisa Barcelona
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 4-07-16 7:28 AM

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Argentine iyo Kooxda Barcelona Javier Mascherano ayaa u sheegay war baahinta in uu ku faraxsan yahay joogi taanka Kooxda Barcelona.

ka dib guuldarradii Xulka Chile ee tartanka Copa America sanada 2016-ka, mustaqbalka Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Barcelona Javier Mascherano ayaa si cad u sheegay in uu sii Joogi doono Kooxda Barcelona, ka dib markii la sheegay in aan wali losoo bandhigin hishiis uu kusii joogi doono gagida Camp Nou.

“Waxaan rajeynayaa in aan yeelan doono xilli ciyaareed fiican,” ayuu yiri Mascherano.

“Sida caadada ah waxaa no bilaaban doona xilli Ciyaareed cusub, oo u baahan inaad la timaado wax yaabo ka duwan wixii hore, Waxaan rajaynayaa inay noqon doonto waxa ugu fiican ee aan halkaan u imid,”ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

Si kastaba hahatee Cayaariyahan Javier Mascherano ayaa si aad ah lala xiriirinayaa Kooxda difaacanaysa Horyaalka talyaaniga ee Serie A oo la ogsoon yahay in dhawaan ay ku guulaysatay saxiixa Cayaariyahan Danial Alves.