Home » Ciyaaraha » Xidiga Cusub ee Arsenal Granit Xhaka oo noqday Xidiga kaliya ee 2 abaal Marin helay koobka yurub 2016

Xidiga Cusub ee Arsenal Granit Xhaka oo noqday Xidiga kaliya ee 2 abaal Marin helay koobka yurub 2016
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 16-06-16 5:33 AM

Cayaaryahanka aay dhawaan la soo Wareegtay kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa ku Guulesytey labo Abaal marin tan iyo Markii la bilaabay koobka yurub 2016 Waana Xidiga kaliya ee sidaa Sameeyey.

Granit Xhaka oo u dheela Xulka qaranka Switzerland ayaa labadii Cayaarood ee uu u dheeley dalkiisa Waxaa loo Magacaabay Cayaaryaahnkii ugu fiicnaa Garoonka dhamaan intii dheeshey Waxaana ku farxay Taageerayaasha Arsenal qaab Cayaareedka Wanaagsan ee uu soo bandhigay.

Xidigaan ayaa in kastoo uusan Goolal dhalin hadana Waxa uu muujiyey Kulamadii Albania oo ay ka badiyeen iyo Romania oo ay Bareejo lagaleen Cayaar aad u soo jiidatay dadkii daawanayey Waana Sababta labada Mar loogu doortay Xidiga Garoonka.

Wiilkaan 23 Jirka ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Albania ayaa durba Saxaafada kala duwan ee Caalmaku waxa ay bilaabeen in ku matalaan in uu la midyahay Xidigihii Khadka dhexe ee kala ahaa Steven Gerrard, Roy Keane iyo Patrick Vieira,