Home » Ciyaaraha » Xidigee hogaaminayo gooldhalinta koobka Euro Xulkeese ugu goolal badan tartanka kasocda dalka France

Xidigee hogaaminayo gooldhalinta koobka Euro Xulkeese ugu goolal badan tartanka kasocda dalka France
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 21-06-16 8:37 AM

Taranka koobka qaramada qaaradda yurub ayaa si xiiso leh uga soconaya dalka faransiiska isagoo haatan maraya kulamadii ugu dambeeyay waregga groupyada kuwaas oo dhamaanaya Arbacada berito ah, balse waxaan iftiimin doonnaa ciyaariyahanada ugu goolasha badan, ciyaartoyda ugu caawinta badan iyo sidoo kale sida ay wadamada u kala goolal badan yahiin.

Si kastaba hogaamiyaha xulka Wales Gareth Bale ayaa ah hogaamiyaha gooldhalinta koobka qaramada qaaradda yurub kadib markii uu dhaliyay 3-gool, 3-kulan oo uu ciyaaray tartankaan markii ugu horeysay ay kasoo qeyb galeen xulkiisa Wales.

Gooldhalinta Euro 2016

  1. Gareth Bale (3-gool)
  2. Romelu Lukaku (2-gool)
  3. Dimitri Payet (2-gool)
  4. Bodgan Stancu (2-gool)
  5. Alvaro Moratta (2-gool)

Dhanka caawinta waxaa hogaaminaya wiilka Gunners Aaron Ramsey kaas oo sameeyay laba caawinaad ah inta uu tartanka socday, ciyaartoy badan ayaa sameeyay min hal caawinaad balse kaliya Ramsey ayaan kasoo qaadnayenaa kaas oo ah hogaamiyaha caawinta wuxuuna caawiyay laba gool oo ay kala dhaliyeen Gareth Bale vs Russia iyo Robson-Kanu vs Slovakia.

Ugu dambeyntiina wadanka Wales ayaa ah wadanka hogamainaya xulalka goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka waregga groupyada inkastoo wadamada qaar ay kulamo u harsan yahiin balse marxaladda waqtigaan la joogo ayaan ku jaangoeynaa.

Wales waxey dhaliyeen (6-gool) waxeyna ka dhigan tahay iney xulka kusoo xiga ka sareeyaan 2-gool waana Spain, sidaan ayaa loo kala horeeyaa:

  1. Wales (6-gool)
  2. Spain (4-gool)
  3. France (4-gool)
  4. Croatia (3-gool)
  5. Engalnd (3-gool)
  6. Italy (3-gool)

Wadamada Croatia, Spain iyo Italy min kulan ayaa u harsan waxey la yimaadaan aan aragno iyo hadii ay kulamadoda u harsan dhaliyaan goolal kale oo ay ugu dhawadaan ama uga saramaraan Wales.