Home » Ciyaaraha » Xiriirka Uefa oo ugu hanjabay xulka Russia iney ka saari doonaa tartanka Uero 2016 Hadii..

Xiriirka Uefa oo ugu hanjabay xulka Russia iney ka saari doonaa tartanka Uero 2016 Hadii..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 14-06-16 12:02 PM

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa digniin kama dambeys ah usoo jeediyey xulka qaranka Russia waxayna u sheegeen inay ka saari doonaan tartanka Euro 2016 ee ka socda France haddii taageereyaashoodu ay markale ku lug yeeshaan falal qalalaase ah ka dib markii ay Sabtidii weerar ku qaadeen jamaahiirta xulka England kulankii barbardhaca 1-1 ah kusoo dhammaaday ee ka dhacay magaalada Marseille.

Qalalaase kale oo dheeraad ah oo ay garoonka dhexdiisa ka sameeyaan taageereyaasha xulka Russia inta lagu jiro bandhigga xagaagaan ayaa keeni kara in tartanka laga saaro ka dib markii taageereyaasha xulka Russia lagu soo eedeeyey inay sameeyeen qalalaase, isticmaaleen waxyaabo holcaya si la mid ahna ay ku heesayeen heeso cunsuri ah.

Si kastaba ha ahaatee, ganaaxaan waxay la kulmi doonaan xulka Russia keliya haddii taageereyaashoodu ay falal kale oo qalalaase ah ka sameeyaan garoomada dhexdooda. Xiriirka kubadda cagta Russia ayaana aqbalay ciqaabahaas.

Dhanka kale, xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax 115 kun oo dollar ah garka u geliyey xulka Russia ka dib markii ay jamaahiirtoodu weerar ku qaadeen taageereyaasha xulka England intii lagu jiray kulankii Sabtidii.