Home » Ciyaaraha » Xulalkee Ayay Kooxaha Jarmalka Iyo Poland La Ciyaari Doonaan Wareega 16ka Euro 2016?

Xulalkee Ayay Kooxaha Jarmalka Iyo Poland La Ciyaari Doonaan Wareega 16ka Euro 2016?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 6:41 PM

Waxaa soo dhamaaday ciyaarihii Group C ee tartanka qaramada Yurub iyadoo xulalka Jarmalka iyo Poland ay ka soo baxeen group-ka. Xulka heysta Koobka Adduunka ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay Group C sidaasi darteed waxa ay la ciyaari doonaan wareega 16ka midkood xulalka kaalimaha seddexaad kaga dhameystay Group-yada A,B iyo F.

Xulka Poland oo kaalinta labaad kaga soo baxay Group C waxa ay wareega 16ka isla ciyaari doonaan xulka Switzerland oo kaalinta labaad kaga soo baxay Group A, waxaana ay ciyaartooda ka dhici doontaa Saint-Étienne maalinta sabtida.

 

Xulka Jarmalka waxaa ku soo aadi doonta midkood Albania, Slovakia ama xulka kaalinta seddexaad kaga dhameysta Group F, sidaasi darteed waxaa si rasmi ah loo ogaan doonaa xulka ay wareega 16ka la ciyaarayaan marka la ogaado afarta xul ee kaalimaha seddexaad ka soo gudbaya.

Si kastaba, waxaa la hubaa in Jarmalka uu ciyaartiisa wareega 16ka ku ciyaari doono magaalada Lille maalinta axada ee 26ka bisha Juun.

Hadaba sidee ayay u kala horeeyaan xulalka haatan kaalimaha seddexaad ku jira ee rajada ka qaba inay u soo baxaan wareega 16ka. Waxaadna xusuusnaataa in xulalka qaar aysan weli ciyaarin kulankooda ugu danbeeya wareega group-yada.

9c0445c0-3952-4f3b-8b1a-eb61173751f8