Home » Ciyaaraha » Xulka Iceland oo si aan caadi eheyn ugi dabaal dagaayo gushii ee ka gareyn Xulka England

Xulka Iceland oo si aan caadi eheyn ugi dabaal dagaayo gushii ee ka gareyn Xulka England
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 7:07 AM

Cayaartoyda Xulka qaranka Iceland ayaa siweyn ugu dabaal degay Guushii Taariikhiga ahayd ee ay Xalay ka Gaareen kulankii Wareega 16 ka ee koobka yurub kadib markii ay 2-1 ku Garaaceen dalka England.

Kabtanka Xulka dalka Iceland Heimir Hallgrimsson ayaa sheegay in aysan jirin Wadan ay ka Cabsanayaan ayna Garaaci doonan dal kasta oo ay ladheelaan isaga oo yiri Waxaan Askar hubeysan mana jirto cid na celin karaysa.

Iceland ayaa Kulanka Wareega Sideeda Waxa ay la dheeli doonaan dalka Martida loo yahay ee France kulankaas oo ah mid aad u adag ayaa hadana Xidigaha dalka Iceland Waxa ay ku faanayaan awoodooda ku aadan kubada Cagta iyo qaabkii ay kaga badiyeen England oo ahaa mid layaab leh Caalamka oo dhana laga hadala hayo Maanta.

dalkaan oo ah dal aad u yar ayaa dheelaya markiisii koowaad koobka yurub Waxaana uu soo Gaaray si lama filaan ah Wareega Sideeda Waxaana dhici karta sida muuqata in ay Meel Wanaagsan Gaari karayaan.

1 2 3 4 5 6