Home » Ciyaaraha » Xulka Italy 2-0 kaga badiyay Belgium Xili ee Giaccherini & Pelle Oo Ka Caawiyeen Azzurri Inay Dhulka Ku Jiidaan Xulka Belgium.

Xulka Italy 2-0 kaga badiyay Belgium Xili ee Giaccherini & Pelle Oo Ka Caawiyeen Azzurri Inay Dhulka Ku Jiidaan Xulka Belgium.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 9:04 PM

Xulka Talyaaniga ayaa guul ku bilowday tartanka Euro 2016 iyagoo 2-0 kaga talaabsaday xulka Belgium oo ka mid ahaa xulalkii loo saadaalinayay koobkaan, Giaccherini iyo Pelle ayaa guusha ku hogaamiyay xulka Azzurri oo soo bandhigtay inay yihiin xul ka khibrad badan xulka Red Devils ciyaartii ka dhacday Lyon, iyadoo macalin Conte uu taatiko kaga badiyay dhigiisa Walnots.

Italy ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh laakiin fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay xulka Belgium markii Maroune Fellaini uu madax kubad ugu dhigay Nainggolan, laakiin darbadii xooganeyd ee ka soo baxday xiddiga AS Roma waxaa u babac dhigay oo badbadiyay goolhayaha khabiirka ah Gigi Buffon.

Halyeeyga Talyaaniga Andrea Pirlo oo aan lagu soo darin xulka Azzurri ayaa gurigiisa ka daawanayay kulankii caawa isagoo Twitter soo dhigay sawirkaan hoose islamarkaana soo qoray “Cmon Azzurri”