Home » Ciyaaraha » Yaa hogaaminaya Xidigaha Fashilmay ee koobka yurub 2016?

Yaa hogaaminaya Xidigaha Fashilmay ee koobka yurub 2016?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-06-16 12:54 AM

Waxaa si xiiso badan uga socda dalka France koobka yurub 2016 kaas oo ay ka qayb gelayaan Cayaartoy waa weyn oo wacadaro ka soo dhigay Horyaalada ay ka dheelaan Goolal aad u badana ka soo dhaliyey balse hada qaarkood lagu tilmaamay in ay ku fashilmeen koobkaan.

Xidigaha Fashilmay ee koobka yurub waxaa Hogaanka u haya Cayaartoyada kala ah Cristiano Ronaldo, Zlatan Ibrahimovic, Robert Lewandowski, Harry Kane Thomas Muller iyo Kyle Lafferty. kuwaas oo ku soo kala Guuleystey intooda badan kabta dahabka ah ee Horyaalada ay ka dheelaan.

Cayaaroydaan ayaa dhalin Waayey Wax Gool ah kulamdii ay u dheeleen dalaalkooda iyaga oo intooda badan dheeley min 2 Cayaarood sidaa daraadeed ayaa loogu tilmaamay Xidigaha fashilmay ee koobka yurub 2016.

Koobka yurub weli waa socda oo ma dhamaan waxa Cayaartoydaan lagu qiimeeyey waa kulamdii ay dheeleen oo ay Gool la aan Garoonka kala baxeen ama aysan u dheelin sidii looga bartay.