Home » Ciyaaraha » Zidane Iyo Perez Oo Ka Wada Hadlaya Mustaqbalka Ciyaartooyda Fashilmay iyo kuwa ay doonayaan

Zidane Iyo Perez Oo Ka Wada Hadlaya Mustaqbalka Ciyaartooyda Fashilmay iyo kuwa ay doonayaan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 17-06-16 6:40 PM

Tababaraha Real Madrid iyo Madaxweynahaha kooxdaas Zinedine Zidane iyo Florentino Perez ayaa ka wada hadlaya ciyaartooyada ay fasaxayaan iyo kuwa ay soo iibsanayaan.

Tiro ciyaartooyo ah oo ku fashilmay inay isku muujiyaan garoonka Santagio Bernabeu ayaa oodda laga qaadayaa, waxaana ay labadan masuul ka sheekaysteen ciyaartooyada ay tahay in ay shandadahooda xidhxidhaan iyo kuwa lagu beddelayo booskooda.

Zidane iyo Perez oo uu wehelinayo agaasimaha guud Jose Angel Sanchez ayaa kulan ku yeelan doona Madrid, waxaanay si gaar ah u falan-qayn doonaan mustaqbalka ciyaartooyada Mateo Kovacic, Nacho Fernandez, Jese Rodriguez iyo ciyaartoyga da’da yare e Martin Odegaard.

Kooxo dhawr ah ayaa la sheegay in ay doonayaan Kovacic iyo Nacho oo labaduba dhibaato kala kulmay inay boos ka helaan kooxda.

Weeraryahanka Jese ayaa waxa la isku raacsan yahay in aan loo baahnayn in kooxda laga fasaxo, waxaana loo arkaa in uu ka mid yahay ciyaartooyada ay kooxdu u baahan tahay.

Odegaard oo u dhashay waddanka Norway oo ay da’diisu tahay 17 jir, ayaa hal ciyaartoy oo kaliya u saftay Real Madrid tan iyo markii uu sannadkii hore uga yimid kooxda Stromsgodset, waxaana u raacda in uu dhibaato kala kulmay xili ciyaareedkii tegay kooxda heerka labaad, waxaana la filayaa in amaah lagu bixin doono.