Home » Ciyaaraha » Zinedine Zidane iyo Xaaskiisa oo ka duulay Garoonka diyaaradaha Barajas Airport Madrid Xagee ku socdaa?Sawiro

Zinedine Zidane iyo Xaaskiisa oo ka duulay Garoonka diyaaradaha Barajas Airport Madrid Xagee ku socdaa?Sawiro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 2:55 AM

Macalinka Real Madrid u qaaday koobkii 11 aad ee Champions League Zinedine Zidane oo ay wehliso Xaaskiisa ayaa markii u horeysey tan iyo markii uu koobka Muhiimka ah qaaday waxa uu ka dhoofay Magaalada Madrid ee Caasimada dalka Spain.

Zinedine Zidane oo ay Wehliso Xaaskiisa Veronique -ayaa Kaduulay Garoonka Barajas Airport ee Magaalada Madrid waxaana sida lasheegay ay dalxiis ku aadi doonaan qaar ka mid ah wadamada Caalamka.

Cayaaryahankii hore ee Xulka dalka France Zidane oo hada 43 Sano jir ah ayaa qaaday koob aad muhiim u ah Xili uu Macalin u yahay Real Madrid 5 bilood oo kaliya sidoo kalana Waxaa Horyaalka looga qaaday 1 dhibic oo kaliya waxaana loo Xaqiijiyey in uu Xiliga soo socda sii ahaan doono Macalinka Naadiga dalka Spain.

ZIDANE AT REAL MADRID

Player: La Liga 2002-03, Champions League 2001-02, Spanish Super Cup 2002, 2003, UEFA Super Cup 2002, Intercontinental Cup 2002

Assistant manager: Champions League 2013-14, Copa del Rey, 2013-14

Manager: Champions League 2015-16

1 2 3 4 5 6 7