Home » Ciyaaraha » Zlatan Ibrahimovic oo guri cusub iibsaday Halkee ayuu ka iibsaday ?

Zlatan Ibrahimovic oo guri cusub iibsaday Halkee ayuu ka iibsaday ?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:10 AM

Sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Talyaani in Zlatan ibrahimovic uu guri cusub ka iibsaday woqooyi galbeed ee magaalada Manchester taa oo sii dar dar galineysa fikirka laga qabay inuu la midoobayo tababarihiisii hore ee Jose Mourinho.

34-jirkan ayaa lagu heli karaa bilaash maadaama uu dhammeystay qandaraaskiisa PSG.

Zlatan ayaa horey qish u bixiyay inuu ku soo jeedo Man United kaddib markii uu dhoola caddeeyay mar wax laga waydiiyay xiisaha Red Devils.

Ibra waa uu diiday inuu daaha ka rogo mustaqbalkiis laakiin shirkadda guryaha iibisa ee Proto Group Ltd ayaa u muuqata inay xaqiijsay u soo dhaqaaqistiisa Old Trafford kaddib markii ay sheegtay inay guri uga heshay joog dheeraha waqooyi galbeed.

Warbixin ay soo saartay  Proto Group Ltd ayaa u dhaceysay sidan:

zalatn

“Waxaynu xaqiijin karnaa inaan laacibka kubbada cagta aan guri cusub uga helnay Manchester, kaddib tilmaam ay bixisay kooxda.

“Xoogaa waan ku dhibtoonay bilowgii maxaa yeelay Manchester ma ahan Paris, mana ahan Milano, Zaltan ma uu fahmi karin in dhaqshada aysan isku mid noqon karin, laakiin ugu dambeyn waxaan ku qasabnay inuu aqbalo inuu u dhaqaaqo VILLO cajiib ah oo leh barkad lagu dabaasho oo gudaha iyo beer aad u wayn.

“Zlatan waa xariif kaftan badan, waxaan daawanay dhacdadii furintaanka summada dharka ciyaaraha, ka hadlidiisa guriga cusub ee loo helayna waxay sidoo kale ahayd mid maad leh: ‘waan la qabsan doonaa”.

Isla shirkadan ayaa dhammaadkii bisha May sheegtay inay guri magaalada Barcelona uga iibisay Pogba inkastoo ay qirtay inaysan ku lug lahayn wax kubbada cagta ah ama inuu u dhaqaaqayo kooxda Barcelona.

Waxay kaloo ka dambeysay sheekadii bilowga bishan Juun oo ku aadanayd in Danial Alves inuu guri ka iibsaday Turin iyadoo la filayay ku biiritaankiisa Juventus.