Home » Ciyaaraha » Zlatan Ibrahimovic oo hishiis afka ah la gaaray Kooxda shayaadiinta Cas Cas ee United

Zlatan Ibrahimovic oo hishiis afka ah la gaaray Kooxda shayaadiinta Cas Cas ee United
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 15-06-16 9:32 AM

Sida ay baahisay shabakada Sky Sports, Zlatan Ibrahimovic ayaa hishiis shaqsi ah la gaaray Kooxda ugu guulaha badan dalka England ee Manchester United.

Ibra ayaa guud ahaan isaga tagay shaqada Kooxda reer Faransa ee Paris Saint-Germain, xilli uu kula guulaysatay afar jeer oo xiriir ah tartanka Ligue 1.

Wakiilka Cayaariyahan Ibrahimovic’ Mino Raiola ayaa kulan la qaatay toddobaadkii la soo dhaafay Madaxa Fulinta ee Kooxda United Ed Woodward, taasi oo ka dhigan in dhamaadka tartanka Euro 2016-ka uu dhamaystiri doono hishiis uu ugu wareegi doono Kooxda Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee Ibra ayaa mari doona tijaabo caafimaadka ka dib tartanka Euro 2016-ka, taasi oo ka dhigaysa in Kooxaha Bayern iyo Milan ay ku hungobaan saxiixa Xidiga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, kaasi oo hada gudanaaya waajibaadka xulkiisa qaranka.