Home » Ciyaaraha » Zlatan Ibrahimovic oo ugu dambeyn shaaca ka qaaday halka uu ku wajahan yahay iyo kooxda uu ku biirayo

Zlatan Ibrahimovic oo ugu dambeyn shaaca ka qaaday halka uu ku wajahan yahay iyo kooxda uu ku biirayo
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-06-16 4:21 PM

Xidigii hore ee kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa ugu dambeyn ka dhawaajiyey halka uu kusii jeedo kadib markii uu maanta dhacay qandaraaskii uu kula jiray kooxda ka dhisan caasimada dalka France ee Paris.

Zlatan ayaa lala xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo horyaalka Ingiriiska gaar ahaan kooxda Manchester, hase ahaatee waxa uu 34 jirkan ugu dambeyn ka dhawaajiyey wararkii nux nuxda ahaa iney yihiin dhab.

Zlatan ayaa boggiisa Instagram ka kusoo qoray “Waxaa la gaaray xilligii aan shaaca ka qaadi lahaa oo caalamka oo idil laga ogaan lahaa halka aan ku wajahanahay, waxaan kusii Jeedaa Manchester United”.

Hadalkan kasoo yeeray xidigan ayaa ka dhigayo inuu dib ugula midoobayo Old Trafford macalinkiisii hore ee Jose Mourinho kaas oo macalin ugu soo noqday xidigan kooxda Inter Milan kahor inta uusan ku biirin kooxda Catalans ka ee Barcelona.

Zlatan