Home » Arimaha Bulshada » 3-Daan Waxyaabood Ayay Gabadha Caqliga Badan Ku Xulataa Ninka Ay Guursanayo

3-Daan Waxyaabood Ayay Gabadha Caqliga Badan Ku Xulataa Ninka Ay Guursanayo
Waxaa Qoray: Princess Mona /////////// Taariikh: 23-08-16 9:53 AM

Gabdha wanaagsan ee caqliga badan waxa ay ku xulan kartaa gayaankeeda marka doorashada ku samaynayso habab badan oo kala duwan, laakiin waxa wanagsan in ay aad uga ka fiirsato qofka ay guursanayso ee la wadaagi doona nolosha.
Hadaba waxan halkan qurbo.net kusoo gubin doonaa qodobo haweenayda u fududayn kara in ay ku guulaysato doorashada seygeeda mustaqbalka laakiin akhriste qodobadani maaha dhamaan qodobada gundhiga u ah doorashada seyga wanaagsan ee u baahan xulashadiisa in laga fiirsado laakiin waxa jira sifooyin kale oo intan ka badan oo ay mari karto gabadha wanaagsan ee doonaysa in ay hesho nin dhigeeda ah oo nolosha la wadaagaa si ay u dhamaystiraan dhismaha qoys wanaagsan oo ay ka abuurmaan ubad wanaagsan oo ugu danbyta noqda bulsho wanaagsan.
Akhriso: Raga ay gabdhuhu ku riyoodaan in ay guursadaan!
Ma sahlana in haweenaydu ay hesho ruux buuxiya dhamaan shuruudaha lagu xulan karo ama looga baahan yahay aabaha wanaagsan laakiin waxanu idiin soo gudbin doonaa qodobo muhiim ah oo ka mid ah kuwa ay haweeaydu ku cugan karto lamaahana nolosheeda. Waxana ka mid ah qodobada.
1: in uu yahay ugu horeyn nin diin leh.
2: waa in ay ka muqdaan sifooyinka diinta islaamku.
3: waa in uu akhlaaq leyahay.