Home » Arimaha Bulshada » 7-Waxyaabood Ee Cimri Dagdaga Ku Rida Bini’aadamka

7-Waxyaabood Ee Cimri Dagdaga Ku Rida Bini’aadamka
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-07-16 11:04 PM

Daraasad lag sameeyay jaamacadda “Boqor Sucuud” ee ku taalada dalka Sucuudiga , gaar ahaan Riyaad ayaa lagu soo bandhigay in saacad kasta oo uu qofku fadhi ku qaato in cimrigiisa ay soo yaraynaso 22-daqiiqo waana in u dhiganta cibidda labo xabbo oo sigaar ah , inta aadan isku dhufan oodan xisaabin cimriga kaa tagay ee ku dhaafay bal daraasadan akhri oo iska ilaali todobada arimood ee cimri dagdaga keena.
1. Fadhiga Faraha badan: sida uu sheegayo Dr.Max’ed al-Axmadi oo ah shakhsiga mashruucan cilmi baarista ah fikirkiisa iska lahaa ayaa yiri in aad fadhiso wax 4-saacadood ka badan waxay kuu keeni kartaa cudurada wadnaha , sonkorta, miisaankaaga oo kordha iyo lafahaaga oo jilca , marka kursigu waxa uu noqday mid cadow la ah aadanaha waxa uu kaala tagayaa caafimaadkaaga iyo Noloshaadaa .
2. Sigaarka : daraasad laga sameeyay dalka Faransiiska sanadkii 2005 ayaa lagu shaaciyay in sigaarku 7-sano oo cimri dagdag ah qofka u keeno marka loo eego dadka ay isku filka yihiin ee aan sigaarka cabin.
3. Buurnaanta : daraasad kale oo caafimaad isla markaana laga sameeyay dalka Maraykanka sandkii 2005 bishii May lagana sameeyay jaaamacadda “Alabama” ayaa lagu xusay in buurnidu shakhsiga ragga ah ku riddo cimri dagdag ah 20-sano.
4. Kalinimada: warbixinno caafimaad oo wakhti dhow soo baxay ayaa tilmaamaya in kalinimadu ay caafimaadka jirka u daran tahay , geeridana ay soo dadajiso, Pro. Timothy oo wax ka dhiga jaamacadda ” Birmingham”ee ku taalla gobolka Utah ee dalka Mareykanka ayaa cadeeyay in kalinimadu ay khatar ku tahay aadanaha isla markaana ay cimriga dadajiso.
5. Raashinka jirka lagu koriyo ee loo isticmaalo jir dhiska .
6. Daawashada Telefishinka : wakaaladda wararka dalka Australian ee loo yaqaano “AAP” ayaa faafisay sanadkii 2009 cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda “Queensland” sameeyeen daraasad ay ku ogaadeen TV-gu inuu cimriga aadanaha yareeyo 5-sano , qofka 6-saacadood ka badan daawada maalintii .
7. Jugta dhanka Madaxa : dadka jugta culus kasoo gaarto madaxa inta badan waxay keentaa dhibaato soo waajahda siiba haday soo noqnoqto , in badan oo dadkaas kamid ah waxay halis galisaa noloshooda oo way u geeriyoodaan.