Home » Arimaha Bulshada » AJ Styles vs. Dean Ambrose – Ciyaaraha Ugu Adag Ee Bandhigga WWE Backlash Oo Lagu Dhawaaqay

AJ Styles vs. Dean Ambrose – Ciyaaraha Ugu Adag Ee Bandhigga WWE Backlash Oo Lagu Dhawaaqay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 24-08-16 3:07 PM

HelloBandhigga WWE Backlash ayaa durba kaabiga nagu soo haya, wuxuuna bandhiggaani noqon doonaa midkii ugu horreeyey ee uu gaar u leeyahay bandhigga Isbuuclaha ah e Talaado kasta la qabto SmackDown tan iyo markii la galay samanka cusub.

Ka dib markii xalay oo Talaado aheyd la baahiyey showgii ugu dambeeyey ee SmackDown Live durba waxaa la helay ciyaaraha ugu weyn ee ka qabsoomi doona bandhigga WWE Backlash.

Ciyaarta ugu adag waxay noqon doontaa midda uu AJ Styles ku wajihi doono Dean Ambrose waxaana ciyaartaas yaalla suunka WWE World Heavyweight Championship. Wiilka lagu magacaabo The Phenomenal One ayaa guuldarro u xambaariyey Dolph Ziggler si uu u helo fursad uu suunkaan ugu tartamo.

Ciyaarta kale ee ugu adag waxay noqon doontaa midda u dhexeysa lixda tartame ee hablaha ah taasoo lagu bixin doono suunka cusub ee SmackDown Women’s Champion. Tartameyaash ayaa waxaa ku jiri doona gabdhaha hore usoo qaaday suunka WWE Divas Champions Nikki Bella iyo Natalya, si la mid ah Becky Lynch, Naomi iyo Carmella.

Sidoo kale waxaa la caleemo saari doonaa suunka kooxaha ee SmackDown Tag Team Champions. Ciyaaro isreebreeb ah ayaana la qaban doonaa Isbuucyada soo aadan ka hor inta aysan ciyaaraha kama dambeysta ah ka dhicin bandhigga weyn ee WWE Backlash.

Bandhigga WWE Backlash ayaa waxaa uu dhici doonaa habeen Axad ah 11ka bisha September iyadoo lagu qaban doono Richmond, Virginia.