Home » Ciyaaraha » Alan Shearer Oo Usoo Jeediyey Wayne Rooney Inuu Ka Fariisto Ciyaaraha Caalamiga Iyo Sababaha Uu U Cuskaday

Alan Shearer Oo Usoo Jeediyey Wayne Rooney Inuu Ka Fariisto Ciyaaraha Caalamiga Iyo Sababaha Uu U Cuskaday
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 29-08-16 3:11 PM

Wayne RooneyAlan Shearer ayaa ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee qarankiisa England isagoo 29 sanno jir ah si uu usii kordhiyo waayihiisa ciyaareed ee heerka kooxeed ee kooxda Newcastle United – wuxuuna ugu baaqay kabtanka xulka England Wayne Rooney inuu jidkiisii oo kale raaco.

Rooney ayaa caawiye ka ahaa goolkii Marcus Rashford uu daqiiqadii 93aad u dhaliyey Manchester United kulankii ay wajaheen Hull City Sabtidii, wuxuuna markale soo bandhigay sida uu muhiim ugu yahay Man United.

Kabtanka Three Lions ayaana waxaa u yeertay tababare Sam Allardyce markii uu fiidnimadii Axadii soo xushay ciyaartoydiisa ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka 2018ka, laakiin Rooney wuxuu ka ciyaari doonaa qadka dhexe, halka uu weli sii ahaan doono kabtanka koowaad ee qaranka England.

Laakiin Shearer oo maqaalkiisa Isbuuclaha ah maanta ku daabacay The Sun ayaa waayo siiyey Rooney wuxuuna ugu baaqay inuu dantiisa eegto isla markaana uu kobaha isku dhufsado si uu uga nasto ciyaaraha caalamiga ah.

“Waxaa la joogaa waqtigii uu Rooney noqon lahaa mid daneyste ah isla markaana uu bilaabi lahaa ka fikirka noloshiisa. Inkastoo aan ka qoomameynayo inaan sidaan dhaho, hadana wax badan ayey ula micno noqon lahayed haddii uu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah,” ayuu Shearer ku qoray majaladda The Sun.

“Uma dhahayo hadalkaan sida anigo oo aaminsan in uusan Rooney wixii haatan ka dambeeya awood u laheyn inuu u ciyaaro xulka qaranka England – wuu awoodaa inuu u ciyaaro. Laakiin waa 30 sanno jir, wuxuuna kabtan u yahay kooxdiisa iyo qarankiisa, inuu heerka sarre uga ciyaaro kooxdiisa iyo xulkiisa ayaana ku adkaan karta.”