Home » Ciyaaraha » Andres Iniesta oo Baal Dahaba ka galay taariiqda kooxda Barcelona

Andres Iniesta oo Baal Dahaba ka galay taariiqda kooxda Barcelona
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 15-08-16 9:49 AM

Kulankii lugta koowaad ee koobka Supercopa de Espana ee Barca 2-0 ay kaga adkaatay kooxda Sevilla ayaa ahaa kulan muhiim u ah kubad sameeyahaya xulka Spain Andres Iniesta kaas oo noqday xiddiga labaad ee ugu safashada badan kooxda Barcelona markii uu ka saramaray Carles Puyol oo horey booskaas ugu jiray.

Inkastoo Iniesta oo 32- jira dhaawac dartii looga saaray qeybtii hore ee ciyaarta Supercopa de Espana hadana maadaama ciyaarta lagu soo bilaabay wuxuu nasiib uyeeshay inuu kooxda Blaugrana usftay kulankiisii 594 wuxuuna ka saramaray Carles Puyol oo isna saftay 593.

 Andrés Iniesta Luján oo isagoo 12-jira kusoo biiray kooxda Barcelona ayaa hada tiigsanaya inuu soo qabto ciyaaryahanka guud ahaan ugu safashada badan kooxda Barcelona ee Xavi Hernández kaas oo guud ahaan saftay 767 kulan.