Home » Arimaha Bulshada » Aqriso Sheeko layaab leh: Nin Af Leh Baa Abaar Ka Baxa

Aqriso Sheeko layaab leh: Nin Af Leh Baa Abaar Ka Baxa
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 6-09-16 7:24 PM

Beri Ayaa Waxa Uu Nin Boqori Riyo Ku Arkay Isagoo Dhamaan Ilkihiisii Ka Wada Daateen!!!!!!!!! Cajab Arintaas Ayaa Jiif Iyo Joogba Way U Diiday, Wax Badan Is Yidhi Qari Lakiin Mar Walba Maankiisa Ayay Ka Bixi Waydaa Ka Dib Waxa Uu Go’aansaday In Uu Raadiyo Cid U Fasirta Riyadan Dabadeeto Waxa Uu U Tagay Nin Aad U Yaqaanay Sida Riyooyinka Loo Fasiro, Dabadeeto Waxa Uu U Sheegay Riyadii Si Kalsooniyi Ku Dheehantahay Ayuu Ninikii Riyooyinka Cabiri Jiray Ku Yidhi Ma Hubtaa Boqor Inaad Arintaa Ku Riyootay ? Haa Ayuu Boqorkii Ku Jawaabay.

eelad Iyo Awoodiba Ilaahay Ayay Usugnaatee Tani Waxay La Macno Tahay In Reerkiinoo Dhami Wada Dhimanayo.

Mar Kaliya Ayuu Isbadalay Wajigii Boqorku Si Degdegana Ninkii Ayuu Xabsi Dheer Ugu Taxaabay.

Hadana Mid Kale Oo Riyooyinka Fasira Ayuu U Tagay Kiina Sidii Oo Kale Ayuu Ku Macneeyay Isna Sidii Ninkii Ka Horeeyay Ayuu Xabsi Dheer Mutay.

Mid Sadexaad Ayuu U Tagay Dabadeeto Boqorkii Waxa Uu Uga Sheekeeyay Riyadii , Ma Hubtaa Inaad Riyadan Ku Riyootay Ayuu Si Kalsooni Leh U Yidhi Ninkii Riyada Furfuri Jiray Waxaanu Sii Raaciyay Haday Riyaddu Dhab Tahay Oo Aad Sidan Ugu Riyootay Hanbalyo Iyo Badhaadhe Ayaa Kuu Sugnaaday?

Dabadeeto Boqorkii Isagoo Dhoolacadaynaya Ayaa Wuxuu Yidhi Oo Maxay Noqonaysaa Fasirkeedu?

Ninkii Riyada Furfuri jiray Oo Faraxsan Ayaa Odhanaya: Riyadan Cabirkeedu Wuxuu Noqonayaa “ WAXAAD NOQONAYSAA QOFKA REERKIINA UGU CIMRIGA DHEER” Ninkii Boqorka Ahaa Isagoo Yaaban Ayuu Odhanayaa Ma Hubtaa Arintan Dabadeeto Si Kalsooni Ku Dheehantahay Ayuu Ninkiina U Odhanayaa Haa Waan Hubaa.

Aad Ayuu U Farxay Ninkii Boqorka Ahaa Waxaanu Ninkii Siiyay Sooryo Iyo Aduun Qiimo Badan !!!!!

Hadaba Hadii Uu U Boqorku Noqonayo KA Ugu Cimri Dheer Reerkooda Miyaanay Dhab aheen In Reerkiisoo Dhan Ka Hor Dhimanyaan…. Cajab!!!!

Lakiin Hadalku Waxa Uu Ku Dhan Yahay Sida Hadalka Loo Odhanayo Ayaa Macno Wayni Ku Jiraa Waana Dhab Odhaahda Odhanaysa “NIN AFLEH AYAA ABAAR KA BAXA”