Home » Ciyaaraha » Ashley Williams oo sii joogo doono Kooxdiisa Iyo Kooxaha Donaayay oo Niyad Jab La Kulmay.

Ashley Williams oo sii joogo doono Kooxdiisa Iyo Kooxaha Donaayay oo Niyad Jab La Kulmay.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 3-08-16 11:04 AM

Kooxda Swansea City ayaa diiday dalab ka yimid Everton ku kacaya ilaa £ 10m oo ku aadan  kabtankeeda Ashley Williams.
Williams, oo todobaadkan  dabayaaqadiisa 32 jirsanaya , waxaa qandaraas uu  Swansea kula joogaa ku eegyahay  ilaa 2018.
Afhayeenka Swansea  ayaa yidhi: “Ashley Williams waa qayb muhiim ah oo ka mid ah xulka iyo kooxda oo aanan isha ku heynin inaan iska iibino , oo sidaas daraaddeedwaxaanu iska diidanay  dalab  haatan miiska saaran.”

Tababaraha kooxda Everton Ronald Koeman ayaa jecelaystay inuu kabtanka Swansea  ku xoojiyo daafaca dhexe.