Home » Arimaha Bulshada » Baahanow Shaati Cadde Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan

Baahanow Shaati Cadde Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 5:02 AM

Waa Sheeko Jaceyl oo Xiiso Badan Waxa ay Ku Dhacday Wiil Arday ahaa oo Wax Ka Baran Jiray Mid Ka Mid ah Dugsiyada Sare ee Ku Yaala Magaalada Muqdisho Waxaa Lagu Magaacaba Ali Waxaana Kasoo Jeeday Reer Iska Ladan Xilliyada Fasaxa ah Iskuulka Waxaa uu aadi Jiray Meelaha Ka Baxsan Muqdisho Si Waqtiga Ugu Soo Qaato Fasaxa Iskuulka uu Ugu Faa,ideysto,

 

Sanadkaa waxa uu aaday Deegaanka Aqab-talaal oo Qiyaastii 45 ilaa 50 km Dhinaca Xeebta Ka Xigta Deegaanka Buula Mareer Waana Deegaan Xeeb ah oo Dadka Ku Nool Ay Yihiin Dad Dagan oo U Badan Jalaabato iyo Xoolo Dhaqato Waana Deegaan Ku Mac Dalxiiska Qofkii Nasiib u Hela Ali Deegaanka waxa uu Dagana Dad Ehelo ay Yihiin oo Si Wacan oo Darxad Lehna Ugu Soo Dhaweeyay Caano Lo,o iyo Geel Intaba Waa uu Ka Dhargay Waxaana uu Deegaanka Noqday Mid Si aad ah Loga Soo Dhaweeyo,

 

Dhalinyarada Gabdho iyo Wiilal Gacmo Furan iyo Qalbi wanaagsan ayaa Ay Ku Qaabileen Waxaana Ay Noqdeen Kuwa Kala Bara Deegaanka Hadii uu u Baahdo Dhanka Duurka Dhalinyara Joogtay kA Caawin Jirtay Dhanka Xeebtana Sido Kale.

 

Gabar Ka Mid ah Gabadha Deegaanka oo Lagu Magacaabo Asli Isla Markaana Ali ay Dhashay Habar Yartii Oo Aan Ka Mid Aheyn Gabdhahi Soo Dhaweeyay Isla Markaana Aheyd Gabar aad u Qurux Badan oo Indhaha Ragi Arkaa Ay aad Ula Dhacayaan Dhan Walba oo Laga Jaleecaana aysan Lahen Meel Ishu Ka Libicsato Ayaa Guriga iyo Xaafada uu Ku Arkayay Cali Malmahii Hore.

Jaceyl Kulama Tashtee Dooquna Malahan Talo iyo Tilmaan Intaba Ali Waxaa Ku Beermay Dareen Culus Waxaa uu Noqday Mid Xiiseeya Gabadha Asli ah Qalbigiisa waxaa Ka Dhax Guuxay Qalanjada uu arkay Ma Garan Karo Si uu ugu Sahan Tago Gabadha Mana Yaqaan Xaajada Halka uu Ka Abaari Lahaa Balse Waxaa uu Is Tusiyay In Tani ay Tahay Mid Ku Haooon In Nolosha Uu La Qeybsado Waxaana Is Hor Dhigay Go,aan ah In uu Walaasheed Ka Weyn u Sheego Maadama uu Ayada iyo Habartiiba Midna uusan Ku Dhiiran Karin.

 

Gabadhii Waa Loo Sheegay In La Doonayo Lana soo Calmaday Ayna Sidato Qalbi Dhan Waxaana Loo Raaciyay Qofka Doonaya in uu Yahay Ali oo Habarteed Dhashay Fasaxana Ku Jooga Gurigooda Balse Asli oo Aheyd Gabar Isla Weyn Aminsana In Arday ah iyo Mid Ciyaal Xaafadeed ah Intaba In Aysan Geyn Isla Markaana Dareen weyn Ka Qabtay Dhalinyarada Joogta Muqdisho/Xamar In ay Yihiin Dhalinyaro ay Shaqeyn oo Iska Shaatiyo Cad Ayaa Ku Celisay Dalbashadii Ali Una Sheegtay In aysan Diyaar u Aheyn Dalabka Ka Yimid Waxaana ayna Hadal Ku Xertay” Diyaar uma Ahi Baahanow Shaati Cadde ” Oo Macnaheedu Yahay Qofka an Shaqeyn Hadana Aan Laga Dareemeyn Daruuf.

 

Ali Hadalka Looga Keenay Waxa uu Ku Noqday Mid Dhabar Jab ah Damaciisii Ugu Horeeyayna Dharbaaxsho Xoogan La Kulmay Ayaan Ka Quusan In uu Asli Hanto Wado Walba Ha Mare Nasiib Daro se Asli oo Aheyd Qof ana u Soo Jeedin Xilligaa ayaa Go,aan Cad Ka Istaagtay, Waa uu Ku Hungoobay Dhamana Iskudaydii uu Sameeyay,

 

Waxaa La Gaaray Xilligii uu Dib Ugu Laaban Lahaa Muqdisho Maadama Waqtigii Fasaxa uu Ka Haray Wax Ka Yar Shan Maalin Waxa uu Macsalaameeyay Dhamana Asxaabtii Soo Dhaweeyay iyo Qaraabadii uu Halkaa Ku Booqday Waxaana uu usoo Qalabsaday Magaalada Muqdisho,Halkaa ayuuna Ka Bilaabay Waxbarashadii oo Gaba Gabo u Aheyd Markii u xeray Dugsigii Sare Waxa uu Noqday Macalin Waxaana uu Noqday In Iska Guursaday Maadama uusan Rajo Dambe Ka qabin Gabadhii Dalxiisa uu Kusoo Jeclaaday